1 min read

Ciidamada Dowladda oo Al-Shabaab kala wareegay deegaano dhowr ah.

Ciidanka Militeriga Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa maanta la wareegay deegaano hoos yimaada degmada Buula-burde ee Gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ka tirsan Golaha Shacabka oo ka qeyb ahaa Howlgalka ayaa sheegay in maanta u suura gashay in ay la wareegaan deegaanada Abooreey, Tardo, Sagaalgeed, Geedsamo,Inameey, oo dhammaan hoos yimaada degmada Buula-burde ee gobolka Hiiraan.

“Ciidamada dowladda waxay gacanta ku dhigeen deegaanka Aboorey oo Al-shaab ay haysteen muddo ka badan 10 sano” ayuu yiri Xildhibaan Maalik Cabdalla.

Degmada Buulo Burte oo ay hoos yimaadaan deegaannadan ayaa ka mid aheyd deegaanada go’doonka ku jiray ku dhowaad 8 sano, tan iyo markii Ciidanka dowladda iyo kuwa Jabuuti la wareegeen sanadkii 2014.

Sidoo kale, Ciidanka ayaa soo bandhigay tiro kamid ah meydadka dagaalameyaasha Al-shabaab ee ku sugnaa deegaannada ay la wareegeen.