1 min read

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo sheegay inay dileen 30-xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya, ayaa howlgal ay ka sameeyeen gobolka Hiiraan, jiho kaga beegan dhanka waqooyi galbeed waxay ku dileen soddon ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa ku warameysa in ciidamada xoogga dalka ay habeenkii Jimcaha kula dagaalameen deegaan ku dhow dhanka Aboorey Al Shabaab, oo qiyaastii 25-KM dhanka bari kaga beegan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Inta uu socday weerarka, ayaa waxaa ku dhaawacmay shan askari.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa kale ee taageerada u fidinaya ee caalamiga ah, ayaa bilihii lasoo dhaafay sare u qaaday howlgallada lagu sugayo ammaanka ee ka dhanka ah kooxaga Jihaad Doonka ah, ee ka dagaalama gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya, ayaa ku dadaaleysa sidii ay ula wareegi laheyd magaalooyinka, ay gacanta ku hayaan kooxaha xiriirka la leh Al-Qaacida.

Khamiistii ayay Dowladda Soomaaliya ka dalabatey maleeshiyada Al-Shabaab inay isku soo dhiibaan ciidamada ammaanka, ka hor inta aan la qaadin weerar culus oo ka dhan ah kooxda.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sanado badan dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya ee ay taageerto Qaramada Midoobay, waxaana ay weeraro isdaba joog ah ka fuliyeen gobolka Soomaaliya