1 min read

Madaxwayne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya kulan looga hadlayo Amniga Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgalaya kulan looga hadlayo arrimaha Amniga oo ka dhacaya Magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa warbixinayo arrimaha ammaanka Soomaaliya siin doona dadka ka soo qeyb galaya kulan oo uu soo qaban qaabiyay Machadka Istaraatiijiyadda iyo Daraasaadka Caalamka ee magaalada Washington D.C ee dalka Mareykanka.

Kulanka ayaa ku soo aadaya Xilli Madaxweyne Xasan Shiikh uu dalkaasi uga qeyb galayo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka dhacaya magaalada Newyork ee dalka Mareykanka.