21 Apr, 2024
1 min read

Soomaalida K/Sudaan oo arday ka daad gureysay gudaha Suudaan oo ay weli dagaallo ka socdaan.

Dagaal culus ayaa xalay mar kale ka bilowday qeybo kamid ah caasimadda dalka Sudan ee Khartoum. Dhinacyada ku dagaallamaya dalkaasi ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin xabbad joojin cusub, xilli tii hore ay ku ekayd xalay saqdii dhexe. Dhanka kale, ku dhawaad 80 Soomaali ah oo ka baxsaday colaadda Khartuum ayaa diyaarad lagu geeyay […]

1 min read

Ra’iisal wasaaraha itoobiya oo dhex-dhexaadinaya labada janaraal ee isku haya Suudaan.

Iyadoo ay weli dagaallo ka socdaan Suudaan ayaa waxa isasoo taraya baaqyada nabad ilaalineed ee loo jeedinayo dhinacyada isku haya dalkaasi. Koonfurta Suudaan, UN iyo hadda oo Ethiopia ay kusoo biirtay ayaa reysal wasaaraha dalkaasi door dhexdhexaadin ah ka ciyaaraya qalalaasaha ka taagan Suudaan. Isagoo xaqiijinaya ku lug lahaanshaha Addis Ababa, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed […]

1 min read

Heshiiskii xabbad-joojinta Sudan oo lagu daray 72 saacaadood oo kale.

Dhinacyada ku dagaalamaya dalka Sudan ayaa Khamiistii isku afgartay inay kordhiyaan heshiiskii hore ee xabbad-joojinta ahaa ee ku ekaa 72-ka saacadood, hase ahaatee waxaa weli jira rabshado ka dhacaya caasimadda dalka Sudan ee Khartoum iyo gobolka Darfur. Maraykanka ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay xadgudubyada ka dhanka ah, heshiiska xabbad-joojinta. Boqolaal qof ayaa ku dhintay […]

1 min read

Islaamiyiinta ka dagaalama Burkina Faso oo dilay 33 Askari.

OUAGADOUGOU, BURKINA FASO: -Ciidamada milateriga ee dalka Burkina Faso ayaa sheegay inay dhinteen ugu yaraan 33 askari, ka dib weerar ay geysteen koox loo malaynayo inay ka mid yihiin, kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama dalkaas. Weerar xooggan ayaa lala bartilmaameedsaday cutubyo ka tirsan ciidamada dalkaas, oo ku sugnaa dhinaca bari. Dhaawaca askarta ayaa gaadhaya […]

1 min read

Maraykanka oo cunaqabatayn ku soo rogay hay’ado sirdoon oo Ruush iyo Iran ah.

WASHINGTON: – Dawladda Maraykanka ayaa Khamiistii ku dhawaaqday cunaqabatayn cusub oo ay ku soo rogtay hay’adda sirdoonka ee Ruushka ee loo yaqaano FSB iyo garabka sirdoonka ee ciidanka ilaalada kacaanka ee dalka Iran. Dawladda Maraykanka ayaa hay’adahan ku eedaysay inay si sharci-darro ah xabsi u dhigaan muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan dalalka debedda. “Hay’adahani ka […]

1 min read

Shir-madaxeedkii dalalka ATMIS oo ku baaqay in Soomaaliya laga qaado cuna-qabateynta hubka.

Kampala:-Madaxda waddamada ciidamada usoo diray Soomaaliya ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu tixgeliyo in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka si waddanku uu awood ugu helo qaadista mas’uuliyaddiisa amni. Kadib kulan ay ku yeesheen caasimadda Uganda ee Kampala ayaa war murtiyeed ay soo saareen ay ku muujiyey in ka bixitaankii ciidamada ATMIS aan […]

1 min read

Macallin Pep Guardiola “Ma weyn karno diiradda, hadda wax waliba gacanta ayey noogu jiraan”

Pep Guardiola ayaa sheegay in kooxdiisa Manchester City ay caddeeyeen inay shaqayn karaan marka aysan jirin wax doorasho ah oo aan ka ahayn inay guuleystaan ​​​​ka dib markii ay garaaceen Arsenal si ay gacanta ugu dhigaan tartanka loogu jiro hanashada horyaalka Premier League. Kooxda Guardiola ayaa 4-1 ku garaacday kooxda hogaanka haysa ee Arsenal kulan […]