1 min read

Islaamiyiinta ka dagaalama Burkina Faso oo dilay 33 Askari.

OUAGADOUGOU, BURKINA FASO: -Ciidamada milateriga ee dalka Burkina Faso ayaa sheegay inay dhinteen ugu yaraan 33 askari, ka dib weerar ay geysteen koox loo malaynayo inay ka mid yihiin, kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama dalkaas.

Weerar xooggan ayaa lala bartilmaameedsaday cutubyo ka tirsan ciidamada dalkaas, oo ku sugnaa dhinaca bari. Dhaawaca askarta ayaa gaadhaya illaa 12 sida lagu sheegay war ka soo baxay ciidamada.

Ciidamada Burkina Faso ayaa sheegay inay dileen ugu yaraan 40 xubnood oo ka mida kooxaha weerarka soo qaaday oo ay ku sheegeen inay ka tirsan yihiin ururada argagixisada, ka hor intii aanay ciidamo xoojin ahi soo gaadhin, goobta dagaalku ka dhacay.

Ciidamada ayaa sheegay in ciidamada dhaawacmay loo qaaday goobaha caafimaadka, halkaas oo lagu dabiibayo dhaawacooda.

Dalka Burkina Faso ayaa la baaxaa-degayey weeraro ay geystaan kooxaha Islaamiyiinta ahi, tan iyo sannadkii 2015, waxaana weeraradaasi ay geysteen khasaare aad u daran iyo weliba xasilooni darro baahsan. Kooxahan ayaa inta badan ka soo tallaaba dhinaca xuduudka dalka Mali oo ay deris yihiin dalkan.

AFP