4 mins read

Nasashada Jimcaha Q- 354=Qurba joogeey, yaan Dameerku idinka roonaan ee waalidka ka war haaya=

Araar

Haddii Tusaalaha iyo Maahmaahdu meelaha qaar ay kula galaan, dhaqan ahaan Somalidu waxa ay ka hor marisaa ” wax Akhyaar loogu Maahmaahana malehe”

1. Tuug ayaa Cid Dameer ka xaday, waxa uu bilaabay in uu Beeraha Khudaar uga soo qaado oo uu Suuqa keeno. Maalintii saddaxaad ayuu Suuqa keenay Dameerkii oo khudaari ku raran tahay Afkana ka xiran si uuna u qeylin. Dukaan ayuu galay. Intii uu Dukaankii ku jiray, ayaa Dameerkii oo weli raran waxa uu iska aaday Gurigii laga soo xaday. Markii uu Guriga tagay ayaa islaantii banaanka u soo baxaday oo ay ku qeylisay Saygeedii kuna tiri: war kaalay, Dameerkiinii Saddax Maalin oo kaliya ayuu naga maqanaa, waxa uuna noo keenay intaan oo khudaar ah.
Wiilkeenu Saddax Sano ayuu Qurbaha ku maqanaa hal xabo oo Liin ahna nooma keenin. ( F.S: 1aad)

( Qurba joogeey, yaan Dameerku idinka roonaan ee waalidka ka war haaya)

2. Nin Doobnimo ku daahay ayaa Gabar lagu daray, Habeenkii markii ay Aqal galeen ayuu Sariirta dhinaceeda soo dhigtay Baaquli Biyo ah. Waxa ay ku tiri: waa maxaay? Waxa uu yiri iska sug. Markii la isku diyaariyay Howl galkii ayuu Baaquligii Biyaha ahaa uga shubay Labadeeda lugood dhaxdooda. Waxa ay ku tiri: maxaad ka wadaa? Waxa uu ku yiri: Geedkaan Macaan badan ayaa la iigu sheegay, waana iska barxaayay. ( F.S: 2aad)

( Somalida, Xuriyadda, Dowladnimada iyo Nabadda ma macaan badanaa loogu sheegay, markaa ayey iska barxayaan. War Qarannimo lama barxo)

3. Wiil la yiraa Tony ayaa Aabihii John weeydiiyay. Aabe waa maxaay Farqiga u dhexeeyo “Potential” waxa suuragal ah in la gaaro iyo “Reality” waxa markaa jiro.

Aabihii ayaa u yeeray Xaaskiisa oo ku yiri: Haddii Taajirka Bill Gates ku dhihi lahaa aan Hal habeen kula seexdo kuna siiyo Hal Million Dollar maxaad sameey leheyd ?. Waxa ay ku tiri: waan aqbali lahaa si aan fakhriga uga baxno, kadibna Adiga ayaan ku raali gali lahaa, kadibna Baadariga kaniisadda ayaan u tagi lahaa si uu iiga cafiyo Dambiga. Gabdhiisii ayuu hadana weeydiiyay, iyaduna waxa ay tiri: waan aqbali lahaa, kadibna Dalxiis ayaan aadi lahaa Aniga oo Taajir ah. Hadana waxa uu weeydiiyay Wiilkiisa weyn waxa uu yiri: Waan Aqabli lahaa.

Aabe john ayaa ku yiri: wiilkiisii yaraa, wiilkeeygoow “potential” waxa suura gal ah in la gaaro ee aan weli la gaarin, waa in ay Guriga nala joogi doonaan Saddax Taajir oo Millionaires ah. “Reality” laakin xaqiiqda jirto ayaa ah in aay Hadda nala joogaan Guriga laba dhilo iyo Hal qowmu luud, farqiga “Potential” waxa la haminayo iyo “Reality” waxa dhabtaa ee jiro waa intaa ee maka guurnaa Guriga. ( F.S: 3aad)

( Gaalada damac iyo Maal Aduunyaa hago, Adiga waa in iimaanka iyo Diintu ku hagaan)

4. Wiil ayaa ka qeyb galay Tacsida Xildhibaankiisii oo dhintay, kaa oo hore ugu diiday in uu ka damiinto shaqo uu soo helay. Waxaa loo keenay Saxan Bariis ah oo hilib iyo kurus lagu daboolay. Markuu laba mar ku qaatay ayuu yiri: Geeridiisu, Noloshiisiiba ka roon, weligeey intuu noolaa koob shaah ah kama cabin. ( F.S: 4aad)

( Xildhibaanoow, dhaliyaradu nolashaada wax ha ku dheefeen)

5. Laba Nin oo Reer Baladweryne ahaa oo Mid Tukado Salaadda kan kalena uuna Tukan ayaa Masjid soo galay. Kii Ahlu Salaadka ahaa ayaa Jamaacadii ku Xirtay, kii kalena Meel Gadaalo ayuu iska Fadhiistay, waxa uuna Maqlay Ataxyaadkii iyada oo la leeyahay (( Calaa Ibrahiim wa Calaa Aala Ibrahiim)) .
Kii Tukanayay ayuu Garabka Ka soo qabtay, kuna yiri: Arooy Masjikaan Laga soo Bixi. Maanta dhan waxaa lagu Cel celinaa Cali iyo Ibrahim. Waad Maqleeyday Cali iyo Ibrahim, Masjikaan waxaa iska leh Cali Madaxweyne iyo Ibrahim Ciise ee Nageey Masjidka Yabar Madaxweyne.

( Afarta Samatalisoow, Hiiraan waxaad noo sheegteen in Qabiilo badani wada degan yihiin, aadinna door libaax aad ku leedihiin mideeyntooda ee Salaada iyo qabiilka? )

6. Odayaashii dhaqanka ee Xamar ka tagay ayaa Laascaano sii maray Haddana Hargesa Joogo.

Qowdhan ayaa yiri: Haddii ay Odayaal dhaqan yihiin, ma Geel la kala dhacay ayey Reero u kala celinayaan, ma Diyo ayeey laba Beel u kala qaadayaan. Dee iskuba dhaqan iyo Xeer ma nihini yaa hagayo. War dee waxa la isku heeysto waa siyaasad weliba heer Caalami iyo xuduudo hore ah, ee marka hore fahma waxa la isku heeysto.

( Reer waqooyigu ma ogo miyaa in koofurta odayaashii dhaqanku, Siyaasiyiin noqdeen. Siyaasiyiintiina ay odayal dhaqameed noqdeen)

Inta aadan Comment qorin xasuuso Araarta sare.

Qore: Yahya Amir