1 min read

Maraykanka oo cunaqabatayn ku soo rogay hay’ado sirdoon oo Ruush iyo Iran ah.

WASHINGTON: – Dawladda Maraykanka ayaa Khamiistii ku dhawaaqday cunaqabatayn cusub oo ay ku soo rogtay hay’adda sirdoonka ee Ruushka ee loo yaqaano FSB iyo garabka sirdoonka ee ciidanka ilaalada kacaanka ee dalka Iran. Dawladda Maraykanka ayaa hay’adahan ku eedaysay inay si sharci-darro ah xabsi u dhigaan muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan dalalka debedda.

“Hay’adahani ka jira Ruushka iyo Iran, waxay isku dayaan inay muwaadiniinta Maraykanka u adeegsadaan gorgortan siyaasadeen ama inay isku dayaan inay masaalix kale kaga raadiyaan Maraykanka” ayuu yidhi mid ka mida saraakiisha sarsare ee Maraykanka oo saxaafadda kula hadlay Aqalka Cad.

Marka laga yimaaddo labadan hay’adood, sidoo kale waxaa cunaqabatayn lagu soo rogay afar sarkaal oo ka tirsan hay’adda sirdoonka ee ciidanka ilaalada kacaanka ee Iran, sida taliyaha hay’addaas Mohammad Kazemi iyo ku xigeenadiisa Medi Sayari, Xassan Mohagheghi iyo Ruhollah Bazghandi.

Sarkaalka u hadlay dawladda Maraykanka ayaa sheegay in hay’adda sirdoonka ee Ruushka ee FSB inay dhawr jeer xadhig u geysatay ama baadhis ku samaysay muwaadiniin Maraykan ah oo lagu xidhay gudaha dalka Ruushka.

Warbixintan waxaa qoray Patsy Widakuswara