1 min read

Diyaarad dagaal oo ku burburtay Sudan.

Wararka ka imaanaya dalka Suudaan ayaa sheegaya in diyaarad dagaal oo ay leeyihiin militariga ay ku burburtay deegaanka Omdurman oo ku dhow magaalada caasimadda ah ee Khartoum.

Ma cadda in la bartilmaameedsaday ama in ay la kulantay cillad farsamo.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya diyaaradda oo gubaneysa ka hor inta aysan dhulka ku dhicin.

Sawirro kala duwan ayaa muujinaya laba duuliye oo ku soo degaya baarashuud.

Muuqaal kale, nin dhaawac ah oo ku labisnaa dareeska ciidanka, isla markaana dawakhsan ayaa fadhiya dhabarka dambe ee gaadhiga, iyadoo sida muuqata ay gacanta ku hayaan rag hubaysan oo dabaaldegaya.

Waxaana dadka deegaanka ay soo sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaal xooggan.

Tani waxay dhacday maalintii labaad ee xabbad joojinta oo yaraatay, balse aan soo afjarin iska horimaadyada.

Xabbad-joojintu waxay ujeeddadeedu tahay in la fududeeyo gaarsiinta gargaarka aadka loogu baahan yahay.

Shaqaalaha bini’aadantinimada ayaa sugayay ogolaanshaha amniga iyo dammaanad qaad.