5 mins read

Sidee ayay ganacsatada Soomaalida u saameysay koronto la’aanta baahsan ee Koofur Afrika? 

Koofur Afrika waxaa ku soo fool leh xilliyada qaboobaha iyadoo dalkaasna uu wajahayo koronto xumadii ugu ba’neyd abid – ilaa 16 saacadood maalintii ayay maqnaan kartaa. Dhibaatadan arrintan ayaa loo aaneynayaa maamul-xumo, musuqmaasuq iyo carqaladeyn.

Xilli galab Khamiis ay ahayd, bishii November ee sanadkii hore, nin qandaraas lagu siiyay joogteynta korontada ayaa wuxuu gacantiisa geliyay qeyb wareegsaneysa oo ku dhex taallay xarun koronto oo qadiimi ah oo ku taalla Koofur Afrika.

Waxay ninkan ku qaadatay sekenno yar inuu ka bixiyo bool bir ah, oo ka yar koobka kafeyga.

Markii uu meesha ka sii tagayay, saliid qaali ah oo boolasha isku lisanka ka ilaalineysay ayaa markiiba soo qubatay. Matoorka ayaa kululaaday taasoo dhibaatada korontada sababtay.

Haddii aad dooneyso inaad fahanto hardanka haatan ee Koofur Afrika – waa falalka dembiyada oo sii kordhaya iyo heerka shaqo la’aanta, sinnaan la’aanteeda iyo dhaqaalaha sii xumaanaya, musuqmaasuqa baahay iyo koronto xumada, iyo tan kale ee dadka qaar ay ka baqayaan in dalkan noqdo “dal burcad” ama xitaa “dal guul darreystay”.

Shalay xoghayaha guud ee xisbiga hoggaamiya Koonfur Afrika ayaa ka digay in waddankiisa uu ku biiri doono liiska dalalka fashilmay waa haddii aan xal degdeg ah loo helin arrinta koronto la’aanta jirta ee saameynta ba’an ku yeelatay dhaqaalaha.

Fikile Mbalula ayaa sheegay in arrimo ay ka mid yihiin dhaqaalo xumida caalamka ka taagan, saameyntii ka dhalatay Covid-19 iyo colaadda Ukraine ay qeyb ka yihiin waxyaabaha sababay koronto la’aanta dalkiisa, balse uusan meesha ka saari karin habka looo maareeyay dhaqaalaha Koonfur Afrika.

Sidee ayay Soomaalida u saameysay?

Koofur Afrika waxaa ku nool Soomaali badan iyo ajaanib kale oo halkaas ku leh ganacsiyo kala duwan, ganacsiyadaas oo muhiim u ah korontada.

Mahad Geeddi Salaad oo kamid ah ganacsatadaas oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in labadii bilood ee la soo dhaafay ay dalkaasi ka jirto koronto la’aan baahsan oo saameysay qeybaha dalkaas.

“Waxaa laga yaabaa 24-kii saacadood inay maqnaato siddeed saac, lix saac ama 10 saacadood,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay Mahad in marba marka ka dambeysa ay xaaladda koronto la’aanta ka sii dareyso.

Mucaaradka dalkaas ayuu sheegay inay walaac ka muujinayaan in dhibaato badan ay ka dhalan karto korontada, sida in la waayo meelo lagu keydiyo meydadka sida qaboojiyeyaasha, amaba waxyaabaha hallaabaya oo dhan.

“Korontadu waa nolosheenna. Soomaalidu waxay ka shaqeysataa dukaamada raahsiinka oo cunnada lagu gado, waana dareemi kartaa baahida korontada loo qabi karo,” ayuu yiri Mahad.

Soomaalida ayuu sheegay inay ka ganacsadaan waxyaabaha haddii qaboojiye lagu keydin hallaabi kara, sida hilibka digaagga, kan xoolaha, khudaarta iyo cabitaannada.

“Sida kaleba haddii loo dhigo iftiinka, oo nabadgelyada ka qeyb qaadanayay. Dukaanka haddii uu mugdi yahay wax kugu soo socdo iyo wax kuso weeraraya ma ogaan kartid,”

Ajaanib nacaybka ayaa la sheegaa inuu ku badan yahay dalka Koofur Afrika, iyadoo ajaabin ay Soomalai ku jirtana dhowr jeer lagu dilay qeybo dalkaas ka mid ah, iyadoo qaarkood dukaamadooda lagu weeraray.

Bishii September ee sanadkii tegay ayay ahayd markii ajaanibta ay Soomaalidu ku jirto ee ku nool, kuna ganacsada magaalada Polokwane ee gobolka Limpopo ee dalkaas loo qabtay inay toddoba maalin gudahood uga guuraan halkaas.

Qaar ka tirsan dadka u dhashay waddankaas ee loogu tagay magaaladaas ayaa warqado u qeybiyay Soomaalida iyo ajaanibta kale, iyagoo ka dalbaday in dukaamadooda ay uga tagaan halkaas.

Waxaa warqadda ogeysiiska ah sidoo kale ku xusneyd digniin loo jeediyay dadka aan u hoggaansamin dalabkaas.

“Sida xeryaha qaxootiga, qof walba wuxuu soo iibsaday qofba inta shidaal uu ku shuban karo ayuu ku shubanayaa. Qofkii aan awoodinna waxaa laga yaabaa inuu mugdiga ku jiro, inuu dukaanka xiro amaba waxyaabo kale oo iftiin ah raadsado.” Ayuu yiri.

Isha korontada K/Afrika.

Dembiyada iyo koronto la’aanta ayaa laga yabaaa inay qabsadaan warbaahinta Koofur Afrika, balse wasakhowga hawada, gaar ahaanna Mpumalanga, waa mid khatar ah maaddaama dalkaas aad looga isticmaalo dhuxusha.

Dowladda ayaa qirsan in gobolkaas uu caan ku yahay wasakhowga hawada balse waxay diidday inay warbixin badan ka bixiso iyo in xarumaha korontada ee duugga ah lagu qasbo inay u hoggaansamaan dhimidda qiiqa hawada.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegaya in xog la helay ay muujineyso in wasakhowga hawada dartiis ay sanad walba u dhimanayaan kumannaan qof.

Maanta, in ka badan 80% korontada Koofur Afrika waxaa sameeya xarumo koronto oo dhuxul dab looga dhigay – waa tiro yaab leh. Taas darteed, dalkaasi waxaa lagu tilmaamaa kan 14-aad caalamka ee ugu weyn ee sii daaya hadawa carbon dioxide, inkastoo keliya uu yahay haddana dalkas 33aad ee dhaqaale ahaan ugu weyn caalamka.

“Hannaankeenna korontada ayaa gebi ahaanba ku tiirsan qodidda dhuxusha ee dhulka iyo shididdeeda,” ayuu yiri Crispian Olver, oo ah madaxa Guddiga Cimilada.

Balse taasi ayaa laga yaabaa inay isbeddesho.

Koox dalalka Galbeedka ah ayaa oggolaaday in $8.5bn ku kordhiyaan deymaha iyo deeqaha la siiyo dalkaas ee lagu taageero korontada.

Xigasho:BBCSomali