5 mins read

Maraykanka oo xayiraad dul dhigay ‘argagixiso, dad iyo shirkado ka ganacsada dhuxusha’ (Magacyada ragaas).

Waaxda lacagta dalka Maraykanka xafiiska u qaabilsan koontaroolka hantida shisheeye (OFAC) ayaa bartilmaameedsaday 26 qof iyo hay’ado, kuwaasoo la sheegay inay xiriir la leeyihiin Al Shabaab.

Waxaa ka mid ah 15 ‘fududeeye iyo shaqaale, 4 Dhuxul dhoofiye oo ka tirsan Al Shabaab, iyo 7 shirkadood oo xiriir la leh’.

Waxaa kaloo talaabadan lagu bartilmaameedsaday ”hogaamiye goboleedyo muhiim ah, dad gacan saar la leh’ iyo wax Maraykanku ku tilmaamay ‘xubno ka tirsan argagixisada Soomaaliya oo ku lug leh hawlo fara badan oo ay ku taageerayaan Al Shabaab, kuwaasoo ay ku jiraan fududaynta dhaqaalaha, hawlaha ganacsiga, canshuuraha lagu uruuriyo magaca kooxda, samaynta waxyaabaha qarxa ee gacan ku samayska ah, iyo dhuxusha sida qarsoodiga ah looga dhoofiyo Soomaaliya”.

Xubnahaas Al Shabab lala xiriiriyey waxay warbixinta Maraykanku sheegtay inay ahaayeen hogaamiye goboleedyo muhiim u ah Al Shabaab oo jooga Shabeellada Hoose, Jubbada hoose iyo Jubbada dhexe.

Xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin waxay warbixinta Maraykanku sheegaysaa inay joogaan Soomaaliya, ayna Al Shabaab u yihiin hogaamiye goboleedyo, iyo dhaqaale fududeeyeyaal:

Hasaan Abshir Xuurow (Xuurow) Waa Sarkaal Al Shabaab u qaabilsan sirdoonka iyo maaliyadda, wuxuuna lacago khasab ah ka qaadaa dadka rayidka ee magaalada Kismaayo wuxuu kaloo ka uruuriyaa xoolo nool.

Aadan Yusuf Siciid Ibraahim (Ibrahim) Wuxuu Al Shabaab uga uruuriyaa lacagaha khasabka ah Shabeellada hoose. Ibraahim si gaar ah wuxuu ugu xilsaaran yahay uruurinta lacagaha laga qaado suuqyada xoolaha. Lacagaha uu qaado waxaa isna la sheegay in ay lacag u saaran tahay.

Muumin Dheere (Dheere) wuxuu ilaa iyo 2022 horraanteedii ahaa amiir ku xigeenka Wayanta, Jubbada Hoose. Wuxuu ahaa isku xiraha weerarrada aargoosiga ee lagu bartilmaameedsado Soomaalida iyo xoogagga midowga Afrika. Wuxuu qorsheeyey gawaari qaraxyo sida iyo hoobiye in weerar lagu qaado. Wuxuu kaloo qorsheeyey weerar lagu qaado garoonka dayaaradaha Kismaayo.

Macalin Burhan (Burhan) waxaa loo magacaabay taliyaha xisbada Al Shabaab ee deegaanka Wayanta ee Jubbada Hoose dabayaaqadii 2021. Ilaa iyo 2022 Al Shabaab waxay ku xirxireen ilaa 80 qof Wayanta. Burhan wuxuu diiday inuu dadkaas sii daayo.

Cali Axmed Xuseen (Xuseen) Wuxuu Al Shabaab amiir uga yahay Shabeellada hoose. Wuxuu lacag ka dalbadaa jufooyinka deegaanka si loogu taageero dagaallamayaasha Al shabaab. Wuxuu kaloo soo iibiyaa hub kooxda kayd u noqda.

Maxamed Cali (Cali) waa taliye Al Shabaab ka tirsan oo xukuma 100 dagaallame. Cali wuxuu hoos yimaada Dheere, wuxuuna ku xiran yahay Roobow, Burhaan iyo Xuurow.

  • 22 Maajo 2023

Axmed Kabadhe (Kabadhe) wuxuu ahaa Amiir Al Shabaab ka tirsan oo jooga Jubbaland. Wuxuu dagaallamayaashiisa ku dalban jiray ciidanka amniga. Isaga iyo Dheere, cali iyo Burhan waxay wada maleegeen weerar loo adeegsaday gaadiid waxyaabo qarxa sida iyo dad is qarxiyey.

Siyaad Ayuto (Ayuto) Ayuto waxaa loo magacaabay bartamihii 2021 taliyaha xisbada ee wilaayaadka Jubbada hoose. Hore wuxuu ugu xil saarnaa madaxa xisbada ee beerxaani.

Maxamed cabdullaahi Xiireey waa guddoomiyaha Al Shabaab u qaabilsan gobollada jubbooyinka, wuxuuna hore u samayn jiray borobogaandada lagu taageero Al Shabaab.

Cabdi Roobow (Roobow) wuxuu ka mid yahay saraakiisha heerka dhexe ee Wayanta. Isaga, dheere iyo saraakiil kale oo Al Shabaab ka tirsan waxay qorsheeyeen weerar ka dhan ah Abdulle Biroole.

Xasan Yariisow Aadan Waa xubin ka mid ah AL Shabaab oo lacagta ka uruuriya dadka deegaanka ee gobolka Shabeellaha hoose.

Siciid Cabdullaahi Aadan (Aadan) waa xubin Al Shabaab ka tirsan oo khabiir ku ah qaraxyada la isku xirxiro. Sidoo kale dadka ayuu lacago ka qaadaa.

Aadan Jiis (Jiis) Waa taliye ka tirsan xisbada Al Shabaab. Jiis wuxuu mas’uul ka yahay xabsi dadka lagu xiro, wuxuuna maamulaa dadka ay soo xirto maxkamadda Al Shabaab.

Cumar Guhaad waa taliye Al Shabaab u jooga Shabeellaha hoose, wuxuuna qabaa’ilka ka qaadaa lacago badan oo Al Shabaab lagu taageerayo.

Shabakadda Dhoofinta dhuxusha Soomaaliya

Afarta qof ee soo socda oo Maraykanku u aqoonsaday dhuxul dhoofiyeyaal waxay ka dhex shaqaystaan Soomaaliya iyo gacanka Beershiya, waxayna ku jiraan sida warbixinta maraykanku sheegay hawlo la xiriira in si sharci darro ah loo dhoofiyo dhuxusha.

Cali Axmed Naaji waa nin ka ganacsada dhuxusha isku xirena ah tan iyo 2013. Naaji wuxuu fududeeyey ganacsiga sharci darrada ah ee dhoofinta dhuxusha loo dhoofiyey Iimaaraadka, wuxuuna ku lug lahaa in ilaa 90,000 oo kiish oo dhuxul ah la dhoofiyo.

Waxaa kale oo warbixintu sheegtay in Naaji uu dhaqaale fududeeye u yahay Al Shabaab, uuna kooxda xiriir la lahaa tan iyo 2011.

Wuxuu leeyahay sida la sheegay shirkad xiriirro ganacsi ku leh Iimaaraadka, Kenya, Jabuuti, Shiinaha, Hindiya iy Bakistaan.

Bashiir Khaliif Muuse oo warbixintu sheegtay inuu yahay ganacsade deggan Dubai ayaa tan iyo 2013 wuxuu ku lug lahaa ganacsiga sharci darrada ah ee dhuxusha.

Waxaa lagu eedeeyey inuu ku lug lahaa shixnad dhuxul ah oo la sii marsiiyey Ciraaq iyo Iiraan lana geeyey Iimaaraadka. Wuxuu shirkado ganacsi ku leeyahay Iimaaraadka carabta iyo Jabuuti. Waxaa kaloo lagu eedeeyey wax is daba marin xagga warqadaha wax dhoofinta ah.

Maryan Barre waxay agaasime ka tahay mid ka mid ah shirkadaha Bashiir Khaliif, waxayna u dhaxdaa oo ay xaaskiisa tahay isla Bashiir Khaliif.

Cabdiwahaab Nuur Cabdi (Cabdi) oo sidoo kale loo yaqaano (Yaanyo) wuxuu ilaa iyo 2014 dilaal ka ahaa dhuxusha loo dhoofiyo Cumaan ee laga keeno dhulka ay Al Shabaab maamulaan ee Soomaaliya.

Hawlaha Cabdi waxaa lagu tilmaamay sida ay dadka deegaanku sheegeen mid ay ‘iskaashatada Yaanyo’ ka shaqayso.

Cabdi wuxuu saami dhan 5% ku leeyahay shirkad ay wadashaqayn kala dhaxayso shirkad kale oo uu leeyahay Naaji.

Waaxda lacagta ee Maraykanka waxay sheegtay in wixii maanta ka billowda la xannibay hantida dadkaas.

Sidoo kale shirkadaha iyo hay’adaha ay leeyihiin si toos ah iyo si dadbanba dadkaas ayaa iyagana la xannibay.