1 min read

Doorashooyinka degmooyinka Puntland qaarkood oo la hakiyey.

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, ayaa hakiyey doorashooyinka qaar ka mid ah deegaanada Puntland ee la filayey inay dhacaan berri oo Khamiis ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in la hakiyey doorashooyinka degmooyinka kala ah; Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiraan.

Guddiga ayaa sheegay inuu go’aankan qaatay markii uu arkay xaaladda amni iyo dhacdooyinka amniga la xiriiray ee ka dhacay degmada Garoowe iyo inuu fursad siiyey Isimada dhaqanka, Odayaasha, waxgaradka iyo Dowladda in wadahal lagu xaliyo kala duwanaanshaha

“Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa go’aaminaya maalinta sii wadidda hawlihii Doorashada ee hakaday kadib marka uu la tashado hay’adah Dowladda ee ay khusayso iyo Ururadda/Xisbiyada siyaasadda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Guddiga ayaa intaas ku daray in doorashooyinka golaha degaanka ay Maalinta Berri ah 25/5/2023 ka dhici doonaan dhamaan degmooyinka kale ee horay loo qorsheeyey kuwaas oo gaaraya 30 degmo.

Tallaabada guddiga ayaa imanaya ayada oo dhowaan magaalada Garoowe ay ka dhaceen shaqaaqooyin lagu beegsaday qaar ka mid ah sanaadiiqda codadka, oo ay weerareen dad kasoo horjeeda doorashooyinka Golaha Deegaanka.