23 Apr, 2024
1 min read

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa oo warsaxaafadeed soo saaray.

Taliska ciidamada Mareykanka ee (Africom), ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in iyagoo kaashanaya ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay fuliyeen duqeyn xagga cirka ah oo dhacday 1-dii bishan Octoobar. Duqeynta ayaa ka dhacday magaalada Jilib, oo qiyaastii 370 Kilomitir u jirta Koonfur Galbeed Muqdisho. Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay hogaamiye ka […]

1 min read

Ciidamada Tigrayga oo ka baxay gobolka Amxaarada.

MEKELLE — Mas’uuliyiinta gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa sheegay inay dagaal-yahanadooda kala baxeen qeybaha ay ka haysteen ee gobolka deriska la ah, si ay uga hortagaan weerar weyn oo ka socda waqooyiga. Ciidamada dowladda taageera iyo kuwa Tigray-ga ee ay hoggaamiso kooxda TPLF ayaa dagaalkooda dib u billaabay dabayaaqadii August kadib shan bilood oo xabad […]

1 min read

Turkiga oo sheegay inay duqaymo cirka ah oo ka dhacay Ciraaq ku dileen 23 dagaalyahan oo Kurdiyiin ah.

ISTANBUL – Wasaaradda difaaca ee Turkiga ayaa sheegtay inay duqayn dhinaca cirka ah ku dileen illaa 23 dagaalyahan oo ka tirsan kooxaha Kurdiyiinta, ka dib markii ay hawlgal dhinaca cirka ah ka fuliyeen gudaha dalka Ciraaq. Wasaaradda ayaa sheegtay in hawlgalkani uu ka dhacay gobolka Asos ee ku yaalla dhinaca Woqooyi ee dalka Ciraaq, kaas […]

1 min read

Sweden oo dib u bilowday hubkii ay u dhoofin jirtay Turkiga.

OSLO/STOCKHOLM, — Wakaaladda dowladda Sweden u qaabilsan arrimaha militagriga dibadda ee (ISP) ayaa sheegtay Jimcihii shalay inay laashay xayiraaddii saarnayd in qalab milateri loo dhoofiyo dalka Turkiga, kadib markii dalka Waqooyiga Yurub uu go’aansaday inuu ka mid noqdo xulafada milateri ee NATO, isla markaana heshiis laga gaaro diidmadii Turkiga. Dalalka Sweden iyo Finland ayaa horraantii sanadkan […]

1 min read

Qawmiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo ku dagaalamaya Itoobiya.

Wararka ka imaanaya degmada Guri-dhaamoole ee gooblka Liiban ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa sheegaya in halkaa uu dagaal ka socdo. Dagaalka ayaa waxa uu u dhaxeeyaa qawmiydaha Soomaalida iyo Oromada oo halkaa wada dega, iyadoo wali ay go’antahay isgaarsiintii degmadaasi. Sida ay sheegayaan dadka deegaankaasi, ayaa shalay waxaa la gubay guryo, waxaana dagaalkaasi ka dhashay […]

1 min read

Midowga Yurub oo ka dayriyey xaaladda bani’aadanimo ee Tigray.

Ururka Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in xaalada bini’aadantinimo ee gobolka Tigray ay sii xumaatay, kadib markii uu dib u soo cusboonaaday dagaalkii sokeeye. Madaxa maareynta xasaradaha ee Midowga Yurub, Janez Lenarcic, ayaa sheegay in xaaladda bini’aadantinimo ay gaartey meel halis ah, oo ka xun dagaalka ka hor, haatanna ay ka sii dartay. “Kadib dhamaadkii […]

1 min read

Saraakiisha caafimaadka Kenya oo baadhaya qof looga shakisan yahay xanuunka Ebola.

NAIROBI, KENYA — Saraakiisha caafimaadka ee Kenya ayaa baadhaya kiis looga shakisan yahay xanuunka Ebola oo lagu arkay Galbeedka dalkaas, gaar ahaan meel u dhow xuduudda dalka Uganda, oo uu ka dilaacay fayraska dilaaga ahi, waxaana wararka ka imanaya dalkaasi ay sheegayaan in illaa 35 xaaladood oo xanuunka Ebola ah in lagu arkay Uganda, halka […]

2 mins read

Australia: Shirkad laga xaday xogta 10.2 milyan oo ka mida macaamiisheeda iyo FBI-da oo gacan ka siinaysa baadhista.

SYDNEY – Dawladda Australia ayaa ka codsatay hay’adda dembibaadhista ee Maraykanka ee FBI inay ka gacan siiso sidii loo soo qaban lahaa budhcadda computer-ada jabsata, kuwaas oo dhowaan u dhacay ama jabsaday computer-ada dalka Australia, isla markaana ka xaday xogtii ugu badnayd. Budhcadda internetka ayaa jabsaday computer-ada shirkada isgaadhsiinta Optus ee laga leeyahay dalka Singapore, […]

2 mins read

Saraakiil milateri oo sheegay inay xukunka ka tuureen Hoggaamiyihii Burkina Faso.

OUAGADOUGOU, Burkina Faso – In ka badan 10 askari ayaa la wareegay telefiishanka qaranka ee dalka Burkina Faso xilli dambe oo Jimcihii ah, iyaga oo shaaciyey in Lt. Col. Paul Henri Sandaogo Damiba oo ahaa hoggaamiyihii dalka ku qabsaday inqilaabka ee isu bedelay inuu madaxweyne ka noqdo dalkaas, in xilkii laga tuuray. Sagaal bilood uun […]