27 Apr, 2024
2 mins read

OPEC oo dhimaysa illaa 2 milyan oo foosto maalintii, shidaalka ay soo saaraan.

Dalalka shidaalka soo saara ee ku bahoobay ururka OPEC+ ayaa ku heshiiyey inay yareeyaan shidaalka ay soo saaraan, iyaga oo ku macneeyey inay doonayaan inay wax ka qabtaan qiimaha sabbaynaya ee shidaalka, iyaga oo ku doodaya in tallaabada ay qaadeen ay wax ka tarayso dhaqaalaha dunida ee liita. Tallaabadan ayaa loo arkaa inay tahay dhirbaaxo […]

1 min read

Madaxweynaha Uganda oo war ka soo saaray hadalkii wiilkiisa ee ku saabsanaa qabsashada Kenya iyo sababta uu u dalacsiiyay.

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa raalligelin ka bixiyay qoraallada uu wiilkiisa soo dhigay Twitter-ka ee ku saabsan waddanka deriska la ah ee Kenya. Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday sababta uu u dallacsiiyay wiilkiisa oo horay u ahaa taliyaha ciidanka dhulka ee Uganda. Dhambaal uu Museveni soo boggiisa internet-ka ayuu ku yiri: Muwaadiniinta Uganda, […]

2 mins read

Midowga Afrika oo wada hadal siinaya dowladda Itoobiya iyo TPLF.

Ururka Midowga Afrika ayaa u gudbiyay casuumaad dowladda Itoobiya iyo ciidamada Tigray-ga wada-hadallo nabadeed, oo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka sokeeye oo laba sano ka socda dalkaasi. Wada hadallada ayaa la qorsheeyay in dhamaadka toddobaadkan ay ka dhacaan dalka Koonfur Afrika, wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ilo diblomaasiyadeed ayaa sidaasi qortay. […]

1 min read

Dowladda Uganda oo xaqiijisay in Ebola uu u dhintay ruuxii saddexaad.

Wasaaradda caafimaadka Uganda, ayaa xaqiijisay geerida shaqaale kale oo caafimaad oo ahaa sarkaal qaabilsan dhanka suuxinta, kaasoo u dhintay cudurka Ebola saacadihii hore ee maanta oo Arbacada ah. Margaret Nabisubi, oo 58 jir ah, ayaa ah shaqaalihii afraad ee u dhimata cudurka Ebola, sida ay sheegtay wasiirka caafimaadka ee Uganda, Jane Ruth Aceng. Koox dhakhaatiir […]

1 min read

Dowladda Itoobiya oo aqbashay wadahadal nabadeed oo ay la gasho TPLF.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay si shuruud la’aan ah ku aqbashay dhex-dhexaadinta Midowga Afrika ee Itoobiya iyo TPLF, sida uu shaaciyay la-taliyaha Amniga Qaranka Redwan Hussein. “Dowladda Itoobiya waxay aqbashay martiqaadkan wadahadallada nabadda kaas oo waafaqsan mawqifkayaga mabda’a ah ee ku saabsan in si nabad ah lagu xalliyo khilaafka iyo baahida loo qabo wadahadal aan […]

1 min read

Wiilka Museveni oo General loo dallacsiiyay kadib markii uu ku hanjabay inuu qabsan doono Kenya.

KAMPALA — Wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Muhoozi Kainerugaba, ayaa loo dalacsiiyay Jeneraal, sida uu Talaadadii ku dhawaaqay afhayeenka ciidamada Uganda. Talaabadan ayaa kusoo beegmeysa maalin kadib markii Kainerugaba uu soo dhigay qoraalo dhowr ah oo uu kaga hadlay duullaanka uu ku qaaday dalka Talyaaniga iyo dalka Kenya ee deriska la ah. Waxa uu […]

1 min read

Madaxweynaha Uganda oo wiilkiisa laga qaaday taliyaha ciidamada dhulka.

Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, ayaa laga qaaday xilkii uu hayay ee ahaa taliyaha ciidamada dhulka. Hase yeeshee, waxaa loo dallacsiiyay darajada Janaraal buuxa, oo ah heerka ugu sarreeya ee laga gaaro militeriga dalka Uganda. Waxa uu sidoo kale sii ahaan doonaa la-taliyaha madaxweynaha ee howlgallada khaaska ah. Janaraal […]

1 min read

Dowladda Uganda oo ka hadashay hadalkii ka soo yeeray wiilka Museveni.

Dowladda Uganda ayaa iska fogeysay qoraallada uu soo dhigay bartiisa Twitter-kawiilka madaxweynaha. Wasaaradda arrimaha dibadda Uganda, ayaa soo saartey qoraal ay dowladda Uganda isaga bari yeelaysohadal kasoo baxay Lt Gen Muhoozi Kainerugaba, kaasoo ahwiil uu dhalay madaxweynaha, oo ku kaftamay duulaan dalka Kenya lagu qaado, oo uu kusoo qoray bartiisa twitter-ka. “Waxaan aad u qadarineynaa […]

2 mins read

Google, Twitter iyo Facebook oo loo haysto eedo argagixiso.

WASHINGTON — Maxkamadda sare ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay Isniintii inay dhegaysan doonto laba dacwadood oo ka dhan ah shirkadaha waaweyn ee iska leh baraha isgaarsiinta bulshada. Facebook, Google iyo Twitter ayaa lagu eedeeyey inay qayb ku lahaayeen mas’uuliyadda weeraro argagixiso oo la qaaday, waxaana kooxda dacwoonaysaa ay doonayaan in shirkadahan lagu xukumo inay magdhaw […]