1 min read

Kooxo hubaysan oo K/Afrika ku dilay Wiilal Soomaali ah.

Dhallinyaro Soomaaliyeed, oo lagu kala magacaabi jiray Abdikarin Abdullahi Mohamud iyo Abdullahi Dheere, ayaa ALLAHA u Naxariistee Maanta Dharaar cad lagu Dilay Guguletu oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika.

Kooxo Hubaysan, ayaa Labada Marxuum ku kala weeraray Labo Dukaan oo isku dhow, iyagoo falka ka dibna goobta ka baxsaday ka hor intaysan Booliska soo gaarin.

South Africa, ayaa waxaa inta badan falal Dil, Dhaawac iyo Dhacba isugu jira kala kulma Muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo aanay jirin Safaarad ama Jaaliyad isku xiran oo Tacadiyadan joogtada ah iyo sidii wax looga qaban lahaa kala xaajooda Dowladda Koonfur Afrika.

Abdulrizaq Indha jaceel