1 min read

Midowga Yurub oo sheegay in weerarada diyaaradaha dowlada Itoobiya ay halis galiyeen rajadii nabadda.

Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ay duqeymo ka geysteen magaalo weyn, oo ku taalla gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya, iyadoo taasi ay halis galisay rajo aan cago badan ku taagneyn, oo nabadeed oo la waday.

Jabhadda Xoreynta Tigrayga, ayaa ku eedeysay dowladda Itoobiya inay ka dambeysay weerarka.

Ugu yaraan toban qof ayaa ku dhintay, sideed iyo tobana kalana way ku dhaawacmeen duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn Arbacadii, sida ay sheegeen dhakhaatiirta magaalada Mekelle.

Bayaan uu soo saaray, Midowga Yurub, ayaa wuxuu ku booriyay dhinacyada dagaallamaya inaysan waqti kale khasaarinin, si ay u joojiyaan rabshadaha, oo loo u helo xabbad joojin joogto ah oo suura galineysa wada xaajood.

Laakin wuxuu sidoo kale sheegay ururku in doorka dalka deriska kala ah woqooyiga Itoobiya, oo ah Eritrea, uu sii wado in uu carqaladeeyo dadaallada nabadda.

Ciidamada Tigreega, ayaa ku eedeeyay Eritrea inay taageertay ciidamada dowladda Itoobiya dagaalkii ugu dambeeyay.

Jeneraal sare oo Tigray ah, ayaa sheegay in askarta Eritereeya iyo Itoobiya ay maamulaan magaalo xuduudeedka Tigrayga, inkastoo dagaal yahannadiisa ay guulo kasoo hooyeen goob dagaal oo kale.

Labada dowladood ee Itoobiya iyo Ereteriya, ayaan ka hadlin sheegashadaas.

Iska horimaadyada soo cusboonaaday, ayaa durba saameyn ku yeeshay dadaallada bini’aadantinimo ee lagu caawinayo dadka rayidka ah, ee ku sugan gudaha Tigray, halkaasoo malaayiin qof ay u baahan yihiin gargaar, iyadoo sahaydii la geyn lahaa gobolka hadda la hakiyay.