1 min read

Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa ku kulmay magaalada Nairobi.

Labadda mas’uul ayaa kulankooda uga wada hadley arrimo ay ka mid yihiin xaaladda amni ee Soomaaliya iyo tan Geeska Afrika.

Waxey sidoo kale sheegeen inay la socon doonaan hirgelinta waxyaabaha uu qabanayo guddiga wadajirka ah ee iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya.

Tani ayaa waxay kor u qaadi doontaa ganacsiga Jaadka iyo kalluunka, iyadoo fududeyn doonta isu socodka labada dal.