1 min read

Khilaaf ka dhashay markii warbaahinta gudaha laga hor istaagay baahinta caleemo saarka Ruto.

Kooxda warbaahinta u qaabilsan madaxweynaha la doortay ee Kenya ayaa warbaahinta gudaha ka hor istaagay inay baahiyaan munaasabadda caleemo saarka cusub ee lagu wado in berri la dhaariyo.

Kooxda waxay ogolaansho ay ku baahinayaan xafladdaas siiyay oo kaliya ah shirkadda Multichoice Kenya Ltd oo xiriir la leh shirkadda laga leeyahay Koonfur Afrika ee pay-TV group.

Warbaahinta qaran ee Kenya ee KBC ayaa saami yar ku leh shirkadda Multichoice Kenya Ltd.

Warbaahinta gudaha ayaa xogta tebinta tooska ah ka qaadan doonaa shirkaddaas maadama kaligeed la siiyay ogolaanshaha baahinta munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha la doortay.

Inkasta oo aan wax faahfaahin ah laga bixin arrintan balse dhaarinta madaxweyneyaashii hore waxaa si toos ah u baahin jirtay warbaahinta gudaha, dowladdana wax kharash ah kama bixin jirin.

Waxaa arrintani ka horyimid suxufiyiinta iyo warbaahinta maxalliga ah, iyadoo wargeyska ugu afka dheer ee ka soo baxa Kenya, Daily Nation uu ku eedeeyay madaxweynaha la doortay uu lumiyay “fursad dahabi ah oo ku muujin lahaa inuu madaxweyne yahay.”

Kooxda warbaahinta William Ruto ayaa difaacday go’aanka waxay sheegeen in shirkadda la siiyay qanddaraaska baahinta munaasabadda ay qeybaha kale ee Afrika u gudbin doonto wararka la xiriira caleemo saarka madaxweynaha.

Waxay sidoo kale ku eedeeyeen warbaahinta gudaha inay sameeyeen eexasho ka dhan ah Ruto gaar ahaan xilliggii ololahiisa doorashada.