1 min read

Faahfaahin ka soo baxeysa qarax xalay ka dhacay deegaan ka tirsan Sanaag.

Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa qarax xalay ka dhacay deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag halkaas oo ay wararka sheegayaan in ugu yaraan laba qof oo mid uu yahay qof rayid ah ay ku dhinteen.

Dhowr iyo toban qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerrarkaasi oo madax deegaankaasi ay ku eedaynayaan inay ka dambeeyeen ururka Al-Shabaab.

Cabdirashiid Cali taliyaha ciidamadii xaley la weeraray ayaa BBC-da uga warramay sida ay wax u dhaceen.