1 min read

Qasriga Buckingham Palace oo shaaciyay inay geeriyootay boqoradii Ingiriiska Elizabeth.

Boqorad Elizabeth Il oo ahayd bogorrada ugu muddada dheer UK avaa ku geerivootay Balmoral, iyadoo 96 jir ah, muddo 70 sano oo ay xukunka haysay kaddib. Qasriga Buckingham ayaa shaaciyay geerida bogorrada. Warka geerida boqoradda halkaan ayaad kala socon doontaan.

Raysal wasaaraha Ingiriiska oo ka hadashay geerida boqoradda.

Raysal wasaare Liz Truss oo ka hadlaysay bannaanka xafiiska Downing Street ayaa tiri “dhammaanteen waan ka xunnahay warka ku saabsan dhimashada boqoradda, taas oo naxdin weyn ku ah Qaranka iyo adduunka oo dhan”.

Waxay boqoradda ku tilmaantay “Aas-aas ay Britain-ta casriga ah ku dhisneyd”, iyadoo raacisay: “Britain waa dal weyn maanta iyada darteed.”

Waxay sheegtay in boqoraddu ay dhiirigelin u ahayd iyada iyo sidoo kale dad badan oo British ah.

“Ka go’naanteedii waajibkeeda ayaa tusaale inoo ah dhammaanteen.” Ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha

Markii uu soo baxay warka ku saabsan geerida Boqorada ee qasriga Balmoral, tuulada Ballater oo u dhow qasrigaas ayaa gashay waqti aamusanaan ah.

Codka kaliya ee la maqlayay ayaa ahaa gambaleelka kaniisadda ee ku taalla bartamaha tuulada.

Dadkii meesha marayey ayaa is-taagay oo muujiyay dareenka geerida.Meeshu waa meel lagu arko xubnaha qoyska boqortooyada.

Dhanka kale Boqoradda ayaa taageeri jirtay kooxda Kubadda Cagta Dalka Ingiriiska ka dhisan ee Arsena, kooxdaas ayaana ka tacsiyeesay geerida Boqoradda iyagoo soo saaray beejkooda iyadoo xiran Funaanadda kooxda Arsenal.