30 Apr, 2024
1 min read

Qasriga Buckingham Palace oo shaaciyay inay geeriyootay boqoradii Ingiriiska Elizabeth.

Boqorad Elizabeth Il oo ahayd bogorrada ugu muddada dheer UK avaa ku geerivootay Balmoral, iyadoo 96 jir ah, muddo 70 sano oo ay xukunka haysay kaddib. Qasriga Buckingham ayaa shaaciyay geerida bogorrada. Warka geerida boqoradda halkaan ayaad kala socon doontaan. Raysal wasaaraha Ingiriiska oo ka hadashay geerida boqoradda. Raysal wasaare Liz Truss oo ka hadlaysay […]

1 min read

Sarkaalkii miinooyinka u qaabilsanaa Al-Shabaab oo gacanta lagu soo dhigay.

Sida ay qortay warbaahinta dowladda soomaaliya ciidanka kumaandooska ee Danab ayaa howlgallo ka sameeyay deegaanada Yaaq Bishaar, Buulo-xaaji, Kaam-jirroon iyo Warta Biloow oo ka wada tirsan Gobolka Jubada hoose isla markaana ka tirsan maamulka Jubaland. Intii uu socday howlgalkan ayaa lagu soo qabtay nin la sheegay in Al-shabaab uu u qabilsanaa Miinooyinka, kaas oo lagu […]

1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay danjiraha cusub ee Kenya.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga guddoomay safiirka cusub ee dowladda Kenya u fadhin doona Soomaaliya Thomas Kipkosgei Chepkuto. Danjire Thomas ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey salaan iyo farriin uu kaga siday dhiggiisa Kenya, isagoo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran ay u fidiyeen, […]

1 min read

RW Xamsa oo shir guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay Amniga, gurmadka Abaaraha & Deyn Cafinta.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee Golaha Wassiirada kaasi oo looga hadlay xoojinta qorshayaasha sugidda amniga, dardar galinta Gurmadka Abaaraha iyo barnaamijka geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya. Ugu horreyn Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta XFS Axmed Macalin Fiqi ayaa Golaha warbixin ka siiyey howlaha la […]

1 min read

Guddoomiye Aadan Madoobe oo kulan la yeeshay Madaxa Bariga Afrika ee Hay’adda IOM.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa  kulan kula qaatay madaxa Bariga Afrika ee Hay’adda Socdaalka Aduunka ee (IOM) Mohammed Abdiker oo uu weheliyo madaxa howlgalka Soomaaliya ee hay’adda Mudane Franz Celestin. Ugu horreyn Madaxa Hay’adda Socdaalka Aduunka ee Bariga Afrika Maxamed Abdiker ayuu Guddoomiye Sheekh Aadan warbixin ka […]

1 min read

SHAQSI AAD LOOGA YAQAANO SOUTH AFRICA OO U SHARAXAN XILKA GUDOOMIYAHA DEG. KAXDA.

▪︎”Kaxdoo Nabada, Degmooyinkana La Nabada”▪︎Waa Halku dhigga Musharaxa Gudoomiyaha Degmada Kaxda ee Gobalka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Macalin Maxamed oo loo yaqaano Abdiraxmaan Bulshaawi kana mid ah Dhallinyarada ugu firfircoon Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika mudana ku noolaa Cape Town. Musharaxa, oo aad ugu dhow in loo magacaabo Xilkan, ayaa haatan ku hawlan kulamo kala duwan […]

1 min read

Erdogan: “Sax ma ahan siyaasadaha daandaansiga reer galbeedka ee ku wajahan Ruushka. 

ANKARA — Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii sheegay in aanu u malayneyn in siyaasadaha “daandaansiga” ee reer galbeedka ee ku wajahan Ruushka ay sax yihiin, kadib markii Midowga Yurub iyo Kooxda Toddobada Waddan ay soo jeediyeen in la dhimo qiimaha gaaska Ruushka. Madaxweyne Vladimir Putin ayaa mar sii horreysay ku hanjabay inuu joojin doono dhammaan […]