4 mins read

Nasashada Jimcaha. 321=Reer Magaal warkooda ha wada Aaminin, Reer Miyina Dhaqankooda ha wada qaadan=

1.  Wiil ayaa Aroosay, markii uu 7da ka baxay ayaa Saaxiibkii ku yiri: ka waran Arooskaagii? Aroosihii ayaa u soo diray Sawirkaan ( F.S: 1aad)

( Ha u qaadan Cilladdu in ey tahay Gabadha ,dhinaca kale waan noqon kartaa in uuna isagu wax isku heyn. Haddii aad aragto Nin Xaaskiisa Cowradeeda ka hadalyo ama Haween Seygeeda Cowradiisa ka hadlee, Labaduba waa laba Danyuus Diintuna ma ogolo ee ka fogaaw sheekadooda)

2. Nin ayaa Xaaskiisa oo xanuunsani ku tiri: Hadaan dhinto gadaasheeyda ma guursanee? isaga oo la kaftamayo ayuu ku yiri: inta Qabrigaaga Carrada lagu dul shubo ey qoyan tahay Guursan maayo.
Xaaskii ayaa dhimatay, 10 sanno ayuu Usbuuciiba mar tagayay Qabrigeeda, Abaar iyo Aaranna waa qoyan yahay. waxa ey ku noqotay Mucjiso uu la yaabay uuna ka guursan waayay 10 sanno.

Subax ayuu isaga oo ag maryo Qabrigii ayaa waxa uu arkay Nin dul taagan oo Waraabinayo Qabrigii. waxa uu yiri: Maxaad aheyd?. waxa uu yiri: Naagta halkaan ku aasan ayaa Lacag igu siisay, igulana balantay in inta aan noolahay Maalin kasta inta eynan Qoraxdu soo bixin aan Biyo ku dul shubo qabrigeeda.

Ogoow, Maseeyraka Haweenku xatta hadeey dhintaan, weli Maseyrkeedu waa shaqeynaa.( F.S: 2aad)

( iska jirhee, Habaar waalidaa ka darane)

3. Hooyo ayaa Wiilkeeda oo 6 jir ah Isgoolka ka soo waday iyada oo Roob da’ayo Cirkuna hilaacayo. markii uu hilaaco ayeey Gacanta indhaha ka saartaa iyada oo is leh yaan iftiinku indhaha ka dhibin.
Wiilkii ayaa gacanteedii ka fakatay oo bilaabay in marka uu Hilaac arkaba is toos toosiyo oo kor uu fiiriyo isaga oo qoslayo. waxa ey ku tiri: Maxaa kugu dhacay? waxa uu ku yiri: iftiinka soow ma aragtid, Malaa’igta ayaa Sawir qaadee “Clip” wanaagsan oo xasuus ah ayaa Rabaa.( F.S: 3aad)

( Caruurta hala kala baro, Hilaaca Roobka iyo iftiinka Camerada Farqiga u dhexeeyo, Shacabkana hala baro Farqiga u dhexeeyo Doorashada  Siyaasiyiinta ka hor iyo ka dib )

4. Cali yare oo Miyiga laga keenay oo 10 Sanno jir ah ayaa Saaxiibkii oo Magaalada Joogay ku yiri: Berri ayaa la i gudayaa.  Saaxiibkii ayaa yiri: Anigu Reer Magaal ayaan nahay. Maalintii aan dhaldhay Maalintii ku xigtay ayaa la i guday.   Cali yare ayaa yiri: Wax xanuun ah ma dareentay, dhibaatana ma leedahay?.  waxa uu yiri. Xanuunka ma xasuusto laakin markii la igu guday kadib hal sanno  ma socan. Cali yari hadda hal sano ayuu fadhiyaa markii la guday kadib waana 11 Jir. ( F.S: 4 & 5aad)

( Reer Magaal warkooda ha wada Aaminin, Reer Miyina Dhaqankooda ha wada qaadan)

5. Nin ayaa Face Book-giisu ku soo qoray, Xalay Xafladii Marti qaadka oo socoto ayaan Saaxiibadeey ka soo tagay,  in kasta oo aan cunay Laba Marduuf oo Qaad ah  wax kalena aan cabay.  Markii aan banaanka u baxay ma hilmaamin masuuliyadda  oo Baabuurkeeygii Banaanka ayaan uga tagay si uuna  shil iigu dhicin ama aanana Cid kale dhibaato ugu geeysan. waxaana qaatay Bajaaj.
Hal saac gudihii waxaa loo soo qoray 200 like iyo 10 Commebti oo lagu Amaanayo in uu Bajaaj qaatay oo gaarigiisii uu ka tagay si aan cidna wax u gaarin.
Mid Saaxiibkii ahaa oo Xog ogaal ahaa, Xafladana joogay ayaa ku yiri: War hooge, xageed Bajaajka u qaadatay sow Xafladdu Gurigaaga ma aheyn, Martida maxaad u cidleeysay ( F.S: 6- 7 aad)

( Like-ta iyo Commentiga haku deg degin. Adiga oo aan ogaan Xaaladda dhacdadu ku dhacday)

6 . Haweeney ayaa Baartay Dhiiga DNA ee Wiilkeeda yar. waxa ey ogaatay in eyna  iyada iyo Ninkeeda midna uuna Wiilka dhalin. Ninkeedii ayeey ku tiri: Arrintaan ayaa dhacday. waxa uu ku yiri: waxaad tahay Qof aan ka baqo oo aanan amarkeeda diidi karin.  Ma hilmaantay Maalintii aan isbirltaalka kaa soo saaray Adiga oo umul ah, Aniga oo Cabsan  in uu Cunugeenu isku Banay oo aad igu tiri war naga soo  bedel, kadibna Qolkii nagu dhaganaa ayaan tegay oo mid Nadiif ah aan nooga soo qaaday. ( F.S: 8aad)

( Walaasheey Nin Cabtooy ah oo Amarkii Alla diiday, yuuna ilmo Sidig ah ku siin. Adna mid Carra badan oo laga baqo ha noqon).

Qore: Yahya Amir