1 min read

Madaxweynaha Ruushka oo farriin u diray ciidamadiisa ku sugan jiidda hore Ukraine.

Vladimir Putin Madaxweynaha Ruushka ayaa u hambaleeyay ciidamada Ruushka ee ‘xoreeyay’ gobolka Luhansk ee bariga Ukraine.Kulanka laga baahiyay teleefishinka oo uu la yeeshay wasiirka gaashaandhigga, wuxuu Putin sheegay in ciidamada ku lug lahaa howlgalkaas ay tahay inay nastaan halka ciidamada kale ee militeriga ah ay tahay inay sii wadaan dagaalka.

Putin wuxuu sidoo kale abaalmarinta ‘halyeeyada Ruushka’ guddoonsiiyay labo janaraal oo hoggaaminayay howlgalka.

Ruushka ayaa Axaddii ku dhawaaqay in uu gacanta ku dhigay guud ahaan gobolka Luhansk iyo magaalada muhiimka ah ee Lysychansk.