1 min read

Ma Run baa in militeriga Uganda uu tababar siinayay TPLF?

Ciidamada Uganda ayaa beeniyay warar sheegayo inay isku dayayeen inay xasilooni darro ka abuuraan dalka Itoobiya iyagoo tababar iyo taageero u fidinayay dagaalyahanada TPLF ee dagaalka kula jirta dowladda Itoobiya tan iyo sanadkii 2020-ka.

Warkan ayaa bishii May kasoo shaac baxay baraha bulshada ee Itoobiya.

Afhayeenka militeriga Uganda Felix Kulayigye ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in waxbo kama jiraan ay yihiin wararka sheegayo in Uganda ay xasilooni darro ka abuureyso gudaha Itoobiya.

Waxaa toddobaadkii lasoo dhaafay baahay war lagu daabacay website kasoo baxa dalka New Zealand oo sheegayay in saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Uganda iyo saraakiil kale lagu eedeeyay inay garwadeen ka ahaayeen tababar TPLF loogu fidinayay degmada Masaka ee dhacda bartmaha Uganda.

Saraakiisha sare ee lagu xusay warbixinta waxaa kamid ah wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda General Muhoozi Kainerugaba, ahna taliyaha ciidamada dhulka Uganda kaas oo sanadkii 2021-ka bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku taageerayay ciidamada TPLF oo uu ku tilmaamay ‘waalalaheen’.

Ma kala cada in warkan uu ahaa in mid run ah ama inuu yahay dacaayad.

Website-ka lagu qoray warbixinta oo la yiraahdo Scoop, ma uusan xaqiijin ilaha uu kasoo xigtay warbixinta ama in warbixinta been ama sax tahay.

Uganda waxay faraha la gashay colaadaha ka taagan bariga iyo Geeska Afrika oo dhan. Ciidankeeda ayaa hadda dagaal kula jira koox fallaago ah oo asal ahaan ka soo jeeda Uganda oo ka dagaallanta bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Uganda waxay ciidamo ka joogaan Soomaaliya kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ka dhanka ah Al Shabaab.

Uganda waxay dagaal la gashay ciidamada Rwanda ee ku sugnaa Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo horraantii 2000.