1 min read

Maamul Goboleedka Hirshabeelle oo ansaxisay degmooyin cusub

Shirka Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta lagu ansaxiyay degmooyin cusub.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ayaa Golaha hor keentay Hindise Sharciyeed Degmooyin loogu aqoonsanayo Deegaanno ay wasaaraddu sheegtay in ay soo buuxiyeen shuruudihii Degmo-nimo, kuwaas oo kala ah: Moqokori. Masaajid Cali Gaduud, Raaga Ceelle, Buurweyn, Buq-aqable iyo Xawaadley.

Dood iyo falanqeyn dheer kadib, Golaha Wasiirada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansaxiyay degmooyinkaas.