1 min read

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo dood ka yeeshay mooshinka muddo kordhinta.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta dood ka yeeshay mooshinka muddo kordhinta madaxweynaha iyo labada aqal oo horay golaha loo horgeeyay.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah oo si weyna loo sugayey ayaa waxaa dooddo kala duwan ka dhiibtay qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna ergeyga gaarka ah ee arrimaha bani’aadanimada ayaa soo jeediyay in la laallo mooshinkan, isaga oo sheegay inuu wiiqayo dagaalka. Waxaana uu sheegay “in muddo kordhin ay dhibaatooyin badan kasoo mareen” halis waxaa ku galay “Madaxweynaha xafiiska fadhiya, nafteena ayaa halis ku gashay “ ayuu dooddiisa ku sheegay Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame .

Aragti ka duwan tan Cabdiraxmaan Cabdishkuur waxaa isna qaba Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne oo sheegay inuu soo dhoweynayo in muddo xileedka laga dhigo 5 sano.

Cabdifitaax Qaasim oo ka tirsan Golaha Shacabka, sidoo kalena ah wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegay in mooshinkan uu dalka gaarsiinayo qof iyo cod.

Dooddan xasaasiga ah ee dhex taalla Baarlamaanka ayaa soo bilaabatay bishii Febraayo ee sanadkan, markaas oo loo xil-saaray guddi uu horkacayo xildhibaan Mahdi Guuleed.