1 min read

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Isimada Dhaqanka Gobolka Sool maxay ka wada hadleen?.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan Casho Sharaf ah la qaatay qaar ka mid ah Garaadada oo ka soo kicitamay magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka  Sool.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Garaadada kala hadlay xaaladda magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, waxa uuna muujiyey sida aan loo aqbali karin in ay sii socoto xabadda iyo dhibaatada.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka dhageystay Garaadada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada, isagoo kula dardaarmay in ay doorkooda ka qaateen nabadda, walaalnimada iyo xasilloonida.

Garaadada Dhaqanka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxa ayna soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhashay dagaalka.

Habeen ka hor ayay aheyd markii Garaadada Dhaqanka SSC ay Muqdisho kula kulmeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo kala hadlay xaaladda Magaalada Laas-Caanood.