2023
Somaliland oo war kasoo saartay wada-hadallada Dowladda Federaalka.
HARGEYSA :- Somaliland ayaa mar kale ku gacan sayrtay inay dowladda Federaalka Soomaaliya la gasho wada-hadallo ku saabsan in labada dhinac ay dib u midoobaan. Arrintan ayaa timid kadib markii madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu dhex-dhexaadiyo labada dhinac. Museveni ayaa qoraal uu soo dhigay X (Twitter) ku sheegay in […]
In ka badan 700 Neef Geel ah oo loogu talo galay xuska dhalahada Nabigeena Muxumed NNKH oo lagu soo bandhigay Muqdisho+Sawirro.
Xarunta Daarul Mustafaa ee ku taal Degmada Dharkeenleey ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay in ka badan 7 boqol Neef oo Geel ah looguna talo galay in Bishaan Mowliidka loo yaqaan lagu xuso dhalashada Nabigeena Maxamed NNKH. Xaruntaan lagu soo bandhigay boqolaalka Neef ee Geela ah waxaa lagu magacaabo Daaru-Mustafa. Sheekh Maxamed Bukhaari oo […]
Maxay ka wada hadleem Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Lloyd Austin oo Jabuuti ku kulmay?
Xoghayaha Gaashaandhigga ee Maraykanka Jeneraal Lloyd Austin ayaa dalka Jabuuti kula kulmay madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Kulanka madaxweynaha iyo xoghayaha gaashaandhigga ayaa imanaya iyadoo meel qaraar uu marayo dagaalka dawladda Soomnaaliya ee ka dhanka ah al-Shabaab. Booqashadan ayaa ah tii ugu horraysay ee isagoo ah Xogahayaha Gaashaandhigga uu […]
Gantaalkii Shiinaha iyo Siyaasiyiinta Soomaalida!!!.
Shir ay isgu yimaadeen wakiilada Maamul Gobaleedyada Somalida ayaa loo shiday Filim ka hadlayo Baarlamaanka Shiinha oo Go’aan ku gaaray in Dayax Gacmeed ku kacayo kharaj dhan $6 Billion loo diro Hawada saree. ( F.S: 1aad). Filimkii kadib ayaa Siyaasiyiintii la yiri: Ka dhiibta Aragtidiina wixii aad ka fahamteen Filimka. 1. Punt land: Boowe Shinuhu […]
Wararkii ugu dambeeyay Dagaal u dhaxeeya Soomaalida Itoobiya iyo Oramada.
Wararka ka imaanaya Dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in maanta uu mar kale dagaal dib uga bilowday aagga barakacayaasha ee Qollaji, kaas oo u dhaxeeya Ciidamada degaanka Soomaalida iyo kuwa gobolka Oromiya. Dagaalkan oo billowday wixii ka dambeeyay duhurnimadii maanta ayaa dadka degaankaas oo lasoo xiriiray Warbaahinta waxay sheegeen in dagaalku uu maanta aad u […]
Madaxweyne Qoor Qoor oo booqday qoyska askarigii naftiisa ku badbaadiyey.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo howlo shaqo ugu maqnaa caasimadd dalka oo galabta ku soo laabtay caasimadda Dhuusamarreeb ayaa booqday gurigii uu ka baxay Mujaahid Axmed Fiiqane Shiikh Maxamuud oo ahaa halyeey geesi ah oo ka hor tagay naftii hallige doonayay inuu isku qarxiyo Madaxweynaha iyo wafdi la socday deegaanka laasgacaneey. […]
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Lloyd Austin oo Jabuuti ku kulmaya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galin dambe ee maanta kula kulmaya magaalada Jabuuti Xoghaya Gaashanadhigga ee dalka Maraykanka Lloyd Austin. Kulanka madaxweynaha iyo xoghayaha gaashaandhigga ayaa imanaya iyadoo meel qaraar uu marayo dagaalka dawladda Soomnaaliya ee ka dhanka ah al-Shabaab. Dawladda Soomaaliya ayaa taageero milatari, tababar iyo mid bani’aadminnimo intaba ka hesha dawladda Maraykanka. […]
Talyaaniga oo ka dalbanaya dadka muhaajiriinta ah inay bixiyaan lacag.
Dowladda Talyaaniga ayaa dadka soo galootiga ah uga ka dalbanaysa in ay bixiyaan ku dhawaad 5 kun oo Yuuro si aan loogu xirin xarumaha xudduudaha inta la qiimeynayo codsigooda magangalyo. Sida ku cad wareegtada wasaaradda arrimaha gudaha, dadka soo galootiga ah ee magangelyada ka doonaya Talyaaniga waxay awood u yeelan doonaan inay xoroobaan oo ay […]
Madaxweynaha Jubbaland oo saxiixay Saddex Xeer oo muhiim ah
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta sixiixay Xeerar Saddex ah,kuwaa oo kala ah:- 1. Xeerka Hay’ada Waddooyinka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska. 2. Xeerka Sharciga kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah oo ay soo gudbisay Wasaarada Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah. 3. Xeerka Ilaalinta iyo Maareeynta […]
Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd Austin oo Jabuuti kula kulmaya Madaxweyne Geelle.
Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd Austin ayaa xalay gaaray caasimadda dalka Jabuuti ee Jabuuti, waxana lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele iyo Wasiir kiisa Difaaca Xasan Cumar Maxamed (Burhaan). Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka ayaa sheegay in madaxda Jabuuti uu kala hadli doono sidii loo xoojin lahaa xiriirka adag ee difaac ee labada wadan […]