1 min read

Gantaalkii Shiinaha iyo Siyaasiyiinta Soomaalida!!!.

Shir ay isgu yimaadeen wakiilada Maamul Gobaleedyada Somalida ayaa loo shiday Filim ka hadlayo Baarlamaanka Shiinha oo Go’aan ku gaaray in Dayax Gacmeed ku kacayo kharaj dhan $6 Billion loo diro Hawada saree. ( F.S: 1aad).

Filimkii kadib ayaa Siyaasiyiintii la yiri: Ka dhiibta Aragtidiina wixii aad ka fahamteen Filimka.

1. Punt land: Boowe Shinuhu talaabtaa ma qaadi karaaniin, lagalamana tashan Dowladda Punt land oo ah Hooyada Federaalka aan Aabihii la aqoon.

2. Galmudug: halla diro, iga waloo qeeybteena ayaan ku leenahay, khubarada Shiinaha ee Dayax gacmeedka Sameeyay ayaa waxaa ku jiray Nin Hooyadii ay tahay Reer Galmudug.

3. Hirshabeele: Ar shiinuhu Xoola ku dheel badanaa Meey iska dhaafaan, oo Lacagtooda ay Bakhaaro ku furtaan.

4. K/Galbeed: unun yaabne, anfarirne, Hora Filimka aan fiirsaneynay muxuu ahaa?

5. Juba land: maxaa naga khuseeyo, noo bilaaba Dirgix dirgix.

6. Banaadir: Dayax gacmeed ii roone, Somali wareerkeedii oo dhan aa leey keenay asaa Xali leey leeyahay, somaalidu maba ogo in Aniga nafteeydu aanan miyir qabin.

7: Somali land: war dee inaga iyo Taywaanba mar hore ayaan ka Go’nay Dal weynaha Shiinaha. 1960kii ayuu Shinuhu na khaladay, hadda waan ka qoosanay, waxaan nahay Shayna Land Madax banaan.

8. Ay Faadumo fajac: War Dayax Gacmeed Sheenuhu diray maxaa idinka khuseeyo. Qarankiinii oo Taayaradu ka banjareen ayaa yaalo Lama dagaanka. ( F.S: 2aad)

9. Cali Curi: oo 8 Sano jir ah: Hooyo Aabe Dal kama fikiro ee Arsenal iyo Liverpool ayuu ku mashquulay, Tiktok, Natiijada Dorashada Mareeykanka, Dagaalka Ukraine, Fadhi ku dirir Facaa iska Celi ah iyo wax aan Aduun iyo Aakhiraba Dani ugu jirin ayuu wakhtiga ku dhumiyaa.

Nina Dayaxa ayuu u duulay, Nin Qarankiisii oo Taayaro Beelay ayuu Dad kale ka sugaa in ay u Dayac tiraan? Danteed moog, Duul kale iyo Dana kale ka doodooy

Qore :Yahya Amir