1 min read

Madaxweyne Qoor Qoor oo booqday qoyska askarigii naftiisa ku badbaadiyey.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo howlo shaqo ugu maqnaa caasimadd dalka oo galabta ku soo laabtay caasimadda Dhuusamarreeb ayaa booqday gurigii uu ka baxay Mujaahid Axmed Fiiqane Shiikh Maxamuud oo ahaa halyeey geesi ah oo ka hor tagay naftii hallige doonayay inuu isku qarxiyo Madaxweynaha iyo wafdi la socday deegaanka laasgacaneey.

Madaxweynaha ayaa  labada waalid ee dhalay mujaahid Axmed Fiiqane uga mahadceliyay geesinninamada ay ku barbaariyeen wiilkooda, isagoo Eebbe uga baryay inuu ku irsaaqo naxariistiisa.

Booqashada Madaxweynaha waxaa qeyb ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Dowlad goboleedka Galmudug mudane Cali Daahir ciid iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Nuur Gacal.