1 min read

Madaxweynaha Jubbaland oo saxiixay Saddex Xeer oo muhiim ah

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta sixiixay Xeerar Saddex ah,kuwaa oo kala ah:-

1. Xeerka Hay’ada Waddooyinka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska.

2. Xeerka Sharciga kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah oo ay soo gudbisay Wasaarada Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah.

3. Xeerka Ilaalinta iyo Maareeynta Deegaanka oo ay soo gudbisay Wasaarada Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada.

Golaha Wakiilada iyo Xukuumadda Maamulka jubbaland ayaa dhawaan meel mariyay xeerarkaan.