1 min read

Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd Austin oo Jabuuti kula kulmaya Madaxweyne Geelle.

Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd Austin ayaa xalay gaaray caasimadda dalka Jabuuti ee Jabuuti, waxana lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele iyo Wasiir kiisa Difaaca Xasan Cumar Maxamed (Burhaan).

Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka ayaa sheegay in madaxda Jabuuti uu kala hadli doono sidii loo xoojin lahaa xiriirka adag ee difaac ee labada wadan u dhaxeeya iyo hawgallada milatari ee ka socda gobolka.

Austin waxa kale oo uu sheegay in inta uu joogo Jabuuti uu booqan doono askarta Maraykanka ee joogta saldhiga Lemonnier.

Xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin waxa kale oo tagi doonaa wadamada Kenya iyo Angola isagoo madaxda wadamadaas kala hadli doonaa amniga qaaradda Afrika iyo hawlgallada ka dhanka ah argagixisada.