1 min read

Somaliland oo war kasoo saartay wada-hadallada Dowladda Federaalka.

Somaliland ayaa mar kale ku gacan sayrtay inay dowladda Federaalka Soomaaliya la gasho wada-hadallo ku saabsan in labada dhinac ay dib u midoobaan.

Arrintan ayaa timid kadib markii madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu dhex-dhexaadiyo labada dhinac.

Museveni ayaa qoraal uu soo dhigay X (Twitter) ku sheegay in labada dhinac ay wajahayaan caqabado isku mid ah, ayna u baahan yihiin inay midoobaan.

“Dadku waxay la kulmayaan caqabado isku mid ah iyadoon loo eegayn midab iyo diin; sidaa darteed waa inay qaataan siyaasadda danta, oo ka muhiimsan siyaasadda aqoonsiga,” ayuu yiri Museveni.

Hase yeeshee bayaan kasoo baxay wasaraadda arrimaha dibedda Somaliland ayaa lagu sheegay inaysan wax qorshe ah ka laheyn wada-hadallo ku saabsan dib ula midoobidda Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigtay.

“Xukuumadda Somaliland waxay caddeyneysaa in wada-hadal kasta oo Somaliland iyo Soomaaliya u furma aanay ka wada-hadli doonin midow, balse ay ku saabsanaan doonaan sidii labadaii waddan ee hore u midaysnaa ay horey ugu dhaqaaqi lahaayeen si kala gooni ah,” ayey tiri wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland.

“Sidaas darteed, Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar labaad u xaqiijineysaa Midowga Afrika iyo beesha caalamka inteeda kaleba in aanay qorshaha ugu jirin wada-hadal ku saabsan midnimada Soomaaliya.”

Dhinaca kale, wafdti ka socda Somaliland oo ay ku jiraan wasiirada arrimaha dibedda Ciise Kayd iyo ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad ayaa Axaddii ku sugnaa Jabuuti.

Wafdiga ayaa la kulmay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Booqashadooda ayaa kusoo aaday mid uu Jabuuti ku joogay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Axaddii halkaas kula kulmay xoghyaha gaashaandhigga Mareykanka Lloyd Austin.