1 min read

In ka badan 700 Neef Geel ah oo loogu talo galay xuska dhalahada Nabigeena Muxumed NNKH oo lagu soo bandhigay Muqdisho+Sawirro.

Xarunta Daarul Mustafaa ee ku taal Degmada Dharkeenleey ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay in ka badan 7 boqol Neef oo Geel ah looguna talo galay in Bishaan Mowliidka loo yaqaan lagu xuso dhalashada Nabigeena Maxamed NNKH.

Xaruntaan lagu soo bandhigay boqolaalka Neef ee Geela ah waxaa lagu magacaabo Daaru-Mustafa.

Sheekh Maxamed Bukhaari oo ah Wadaadka iska leh Xarunta iyo dad muxsiniin ah ayaa bixiyay boqolaalka neef ee Geela ah waxayna ugu talo galeen in xuska dhalashada lagu bixin doono xoolahaani.

Wadaadka, iyo culumada kale ee asxaabtiisa ah ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay ka soo qeybgalaan maalmaha xuska dhalashada Nabigeena Muxamed NNKH.

Sheekh Maxamed Bukhaari,Khaliif Axmed Sheekh Cumar (koora-weyne) iyo Sheekh C/llaahi Maxamed Macalin ayaa hadalo ka soo jeediyeen munaasabada lagu soo badhigaayay boqolaalkaasi geel .

Inkastoo dhowr wadaad  ay hadleen hadana waxaa soo gabagabeeyay Sheekh Maxamed Nuur Bukhaari kaasoo sheegay in Alle SWt uu siiyay una suurtagaliyay inay helaan 708 neef oo geel.

“shalay ayaan soo iibinay 708 neef oo geel ah Alle ayaa na siiyay waxaana xalay hal neef ka dhignay furitaanka ducada waxaana saaka noo dareeray 707 neef oo geel ah dhamaantoodna waxaan ku bixin doona Alle dartiis “

Dhanka kale wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka soo qeybgalaan xuska ay u dhigayan dhalashada Nabigeena Muxumed SCW).

“Waxaan noo furan gogoshii, siyaaradii iyo xafladii Nabiga oo ay fidiyeen dariiqadii  nabiga SCW ayna ka adeegayaan jameecda Nabi Muxumed SCW”ayuu mar kale yiri Sheekh Maxamed Bukhaari.

No description available.