2023
Fanaanada caanka ah ee Shakira oo mar kale eedaymo loo soo jeediyay
Fannaanadda reer Kolombiya, Shakira ayey markii labaad dawladda Spain ku eedaysay canshuur lunsasho. Dacwad oogaha ayaa Shakira ku eedeeyay inay dalka ka khiyaameysay canshuur gaaraysa $7.1 milyan oo doolar sannadkii 2018 gudihiisa. Waxay sheegeen in tani ay dhacday kadib markii ay ku guul dareysatay inay sheegto lacago ay si hormaris ah ugasii qaadatay bandhigyadeedii El […]
Hawlgal ka dhacay Galgaduud oo koox Khawaarij ah lagu dilay, kuwa kalena lagu qabtay.
Dhuusamareeb : Ciidanka deegaanka ee ka howlgala aagga deegaanka Bulacle ee gobolka Galgaduud ayaa maanta soo afjaray koox Khawaarij ah, iyagoo dilay seddax dhagarqabe, mid kalena nolosha ku qabtay, sidoo kale Mooto Feykon ah iyo ugu yaqaan hal qori oo AK47 ah ayaa laga furtay Khawaarijta. Saraakiisha hoggaamineysay ciidanka fuliyey howlgalkaas ayaa warbaahinta qaranka u […]
Ciidanka Xoogga dalka oo gacanta ku dhigay xubin ka tirsanaa khawaarijta
Ciidamada XDS ee ku sugan Xarardheere ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe Cusmaan Maxamuud Barre oo ah 17 sano jir ka tirsanaa Khawaarijta sida uu xaqiijiyay Wasiirka Arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS, Axmed Macallim Fiqi. Dhagarqabe Cusmaan ayaa qaabbilsanaa inuu sahmiyo waddooyinka qaraxyada lagu soo gelin karo magaalada Xarardheere. Khawaarijta oo quus taagan […]
Hay’adda SoDMA oo ka digtay dabaylo ku soo wajahan Soomaaliya.
Soomaaliya oo ku soo wajahan dabaylaha El-Niño oo ah Roobab Sababaya Fatahaad iyo daadad bilaha October iyo November. Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed Mudane, Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Fatahaadaha iyo Daadadkan ka feejignadan. Guddoomiyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed xusuusiyay dhibaatooyinkii ay dabaylahan ka geysteen meelo badan oo caalamka ah, […]
Kenya oo samaysanaysa warshad soo saarta tamarta nukliyeerka.
Kenya ayaa bilaabi doonta dhismaha warshad tamarta Nukliyeerka dhalisa sanadka 2027, mas’uuliyiintu waxay ku sheegeen ballan qaadkii ugu dambeeyay ee qorshayaasha. Warshadan kunka megawaatka ah, oo dhowr sano jidka kusoo jirtay, ayaa qayb ka ah hamiga dalkani uu ugu amba qaadayo dhanka tamarta nadiifka ah iyo kordhinta tamarta. Hadalo ku saabsan soo dhowaanshaha bilawga mashruuca […]
Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray degaanka Cali Fooldheere
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa gaaray deegaanka Cali Fooldheere ee gobolka Shabeellada dhexe, isago la hadlay Ciidanka Qaranka iyo Xoogagga xoreynta deegaanka. Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa dadka Ciidanka Qaranka iyo Xoogagga xoreynta deegaanka ku ammaanay doorka ay ka qaateen la dagaallanka khawaarijta iyo sida ay ugu babbac dhigeen cadowga, wuxuuna ugu baaqay in inta yar […]
IMF oo Dhameystirtay dib u eegista 6aad ee Deyn cafista Soomaaliya (WARBIXIN)
Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta horumarka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Soomaaliya, taasi oo ay ka muuqato in ay Dowladda Soomaaliya ku guulaysatay dhammaan shuruudihii Barnaamijka Deyn-Cafinta. IMF ayaa shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay si guul ah uga soo baxday shuruudihii ku jiray hannaanka dib-u-eegista 6-aad oo muddo labo toddobaad ah ay ku […]
Masar oo qabanaysa doorasho madaxweyne oo natiijadeeda lasii ogyahay
QAAHIRA — Masar ayaa qaban doonta doorasho madaxweyne oo socon doonta saddex maalmood bisha December, waxaa sidaas Isniintii ku dhowaaqay mas’uuliyiinta, ayada oo la filayo in madaxweyne Cabdiftaxax al-Sissi uu xukunka kusii nagaado illaa 2030. Waleed Hamza, guddoomiyaha Maamulka Doorashooyinka Qaran, ayaa sheegay in cod bixinta ay dhici doonto December 10-12, ayada oo doorashada ku celiska […]
Ma run baa inay Najma Nashaad fanka ka baxday?
Waxaa baraha bulshada la isla dhex marayay warar sheegaya inay gebi ahaanba fanka ka baxday, fanaanadda Najma Cabdinaasir Ciise (Najma Nashaad) oo kamid ah fanaaniinta aadka loogu jecelyahay magaalada Hargeysa. Najma oo aan goor dhoweyd kula xirriirnay Khadka telefoonka ee magaaladaas, ayaa inoo sheegtay inay isaga baxday fanka. Sababta ay uga baxday fanka la sheegay […]
Safaaradda Soomaliya ee UK oo 30 sano kadib adeegyo u fidineysa bulshada Soomaliyeed.
In ka badan muddo 30 sano ka dib, safaaradda Soomaaliya ee magaalada London ayaa waxay billowday bixinta baasaboor Soomaaliga, fiisaha dal-ku-galka iyo dukumentiyada kale ee ay u baahanyihiin Soomalida ku nool waddanka UK iyo Ireland. Waxaa sidookale baasaboorka dalban kara muwaadin kasta oo Soomaaliyeed balse heysta dhalashooyin kale. Waxaa sidookale dadkaas loo fidin doonaa adeegyo […]