1 min read

Masar oo qabanaysa doorasho madaxweyne oo natiijadeeda lasii ogyahay

Masar ayaa qaban doonta doorasho madaxweyne oo socon doonta saddex maalmood bisha December, waxaa sidaas Isniintii ku dhowaaqay mas’uuliyiinta, ayada oo la filayo in madaxweyne Cabdiftaxax al-Sissi uu xukunka kusii nagaado illaa 2030.

Waleed Hamza, guddoomiyaha Maamulka Doorashooyinka Qaran, ayaa sheegay in cod bixinta ay dhici doonto December 10-12, ayada oo doorashada ku celiska ahna ay dhaceyso Janaayo 8-10, haddii musharaxna aanu helin in ka badan 50% codadka.

Waxa uu intaas ku daray in dadka dibedda dalka ku maqan ay codeyn doonaan December 1-3, halka tan ku celiska ahna ay codeyn doonaan 5-7.

Siyaasiyiin dhowr ah ayaa durba ku dhowaaqay inay u taagan yihiin qabashada xilka ugu sarreeya dalka, balse midkoodna loolan adag ma gelin doono al-Sissi oo xukunka hayey tan 2014, islamarkaana Reer Galbeedka kala kulma dhalleeceyn ku saabsan diiwaanka xuquuqda aadanaha Masar.

Al-Sissi, wasiirkii hore ee difaaca, ayaa hoggaamiyey afgmabi xukunka looga turay madaxweyne Maxamed Morsi 2013-kii kadib dibad-baxyo ka dhan ahaa xukunkiisa halka sano jiray.

Wixii markaas ka dambeeyey, mas’uuliyiinta ayaa billaabay caburin xooggan oo ka dhan ah mucaaradka. Kumanaan dadka dowladda dhalleeceeya ah ayaa la aamusiyey ama la xiray.

Al-Sissi weli kuma dhowaaqin inuu mar kale yahay musharax.
Waxaa markii ugu horreysay la doortay 2014, waxaana muddoxileedkiisa labaad loo doortay 2018.

Isbeddel dastuur oo lagu ansixiyey afti 2019-kii ayaa laba sano ku daray muddo xileedkiisa labaad, wuxuuna u ogolaaday inuu mar saddexaad u ordo muddo xileed lix sano ah.

Doorashadii 2018, al-Sissi ayaa wajahay siyaasi aan sidaas loo aqoon oo doorashada kusoo biiray goor dambe, si dowladda uga masaxato ceebta doorasho hal musharax ah, kadib markii msuaharaxiin badan qasab looga reebay ama la xiray.

AP