1 min read

Ma run baa inay Najma Nashaad fanka ka baxday?

Waxaa baraha bulshada la isla dhex marayay warar sheegaya inay gebi ahaanba fanka ka baxday, fanaanadda Najma Cabdinaasir Ciise (Najma Nashaad) oo kamid ah fanaaniinta aadka loogu jecelyahay magaalada Hargeysa.

Najma oo aan goor dhoweyd kula xirriirnay Khadka telefoonka ee magaaladaas, ayaa inoo sheegtay inay isaga baxday fanka.

Sababta ay uga baxday fanka la sheegay inay tahay, inay aad uga naxday geerida ku timid Allaha u naxriistee Mustafe Saleebaan oo kamid ahaa mulkiilayaasha barta youtube-ka Waqal studio iyo liibaan Daahir, kuwaas oo ahaa laba wiil oo dhalinyaro ah oo ay aad isugu dhawaayeen Najmo.

Mustafe wuxuu kamid ahaa dhalinyarada heesaha iyo muuqaalo qurxoon ka duuba fanaaniinta Hargeysa oo isna aad loo jeclaa, waxayna ku geeriyooden shil baabuur oo ak dhacay inta u dhaxeysa Hargeysa iyo Burco.