1 min read

Hay’adda SoDMA oo ka digtay dabaylo ku soo wajahan Soomaaliya.

Soomaaliya oo ku soo wajahan dabaylaha El-Niño oo ah Roobab Sababaya Fatahaad iyo daadad bilaha October iyo November.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed Mudane, Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Fatahaadaha iyo Daadadkan ka feejignadan.

Guddoomiyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed xusuusiyay dhibaatooyinkii ay dabaylahan ka geysteen meelo badan oo caalamka ah, wuxuuna ugu digay in aysan sahlan loona baahan yahay in laga feejignaano.