1 min read

Fanaanada caanka ah ee Shakira oo mar kale eedaymo loo soo jeediyay

Fannaanadda reer Kolombiya, Shakira ayey markii labaad dawladda Spain ku eedaysay canshuur lunsasho.

Dacwad oogaha ayaa Shakira ku eedeeyay inay dalka ka khiyaameysay canshuur gaaraysa $7.1 milyan oo doolar sannadkii 2018 gudihiisa.

Waxay sheegeen in tani ay dhacday kadib markii ay ku guul dareysatay inay sheegto lacago ay si hormaris ah ugasii qaadatay bandhigyadeedii El dorando, iyo kuwa kale.

Waaxda dacwad oogista Spain ayaa dacwadda labaad furtay bishii toddobaad ee sannadkan, balse talaadada maanta ayaa lasii daayey maxluumaadka la xiriira.