1 min read

Hawlgal ka dhacay Galgaduud oo koox Khawaarij ah lagu dilay, kuwa kalena lagu qabtay.

Dhuusamareeb : Ciidanka deegaanka ee ka howlgala aagga deegaanka Bulacle ee gobolka Galgaduud ayaa maanta soo afjaray koox Khawaarij ah, iyagoo dilay seddax dhagarqabe, mid kalena nolosha ku qabtay, sidoo kale Mooto Feykon ah iyo ugu yaqaan hal qori oo AK47 ah ayaa laga furtay Khawaarijta.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidanka fuliyey howlgalkaas ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in kooxdaas oo sideed dhagarqabe ka koobneed ay ku baacsadeen dhulka howdka ah ee deegaanka Bulacle, isla markaana ay ku guuleystaleen inay dilaan seddax ka mid ah, halka mid kale ay nolosha ku qabteen.

Saraakiil ka kala tirsan ciidanka deegaanka, hey’adda NISA, xoogga dalka iyo masuuliyiin uu hoggaaminayo guddoomiyaha Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqorow ayaa gaaray deegaanka Bulacle oo lagu soo bandhigay meydka iyo maxbuuska Khawaarijta.

Faahfaahinta howlgalkaan oo dhameystiran lasoco goordhow, Insha Allaah.