1 min read

Kenya oo samaysanaysa warshad soo saarta tamarta nukliyeerka.

Kenya ayaa bilaabi doonta dhismaha warshad tamarta Nukliyeerka dhalisa sanadka 2027, mas’uuliyiintu waxay ku sheegeen ballan qaadkii ugu dambeeyay ee qorshayaasha.

Warshadan kunka megawaatka ah, oo dhowr sano jidka kusoo jirtay, ayaa qayb ka ah hamiga dalkani uu ugu amba qaadayo dhanka tamarta nadiifka ah iyo kordhinta tamarta.

Hadalo ku saabsan soo dhowaanshaha bilawga mashruuca ayaa hore loo sheegay.

Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Korontada iyo Tamarta Nukliyeerka Justus Wabuyabo ayaa u sheegay Wargeyska Business Daily ee ka soo baxa Kenya in Hay’addu ay hadda waddo qiimeyn ku aaddan goobta iyo diyaarinta diyaargarowga furitaanka qandaraasyada dhismaha warshadda.

Justus Wabuyabo ayaa sheegay in warshadan laga dhisi doono gobolka xeebta ee Kenya muddo lix ilaa 10 sano ah, iyadoo warshadano shaqada bilaabi doonto sanadka 2034-ka marka ugu horeysa.

Qaar ka mid ah shacabka Kenya ayaa dhaleeceeyay qorshahan, iyagoo ku andacoonaya in warshad Nukliyeer ah aan loo baahnayn, isla markaana aanu dalku lahayn awood uu ku maareeyo qashinka Nukliyeerka.

“Waxaan haysanaa kheyraad ku filan tamarta biyaha, geothermal, qoraxda, iyo dabaysha. Waxaa ka sii daran, uma maleynayo inaan haysano awood aan ku hubinno badbaadada warshadda tamarta nukliyeerka ah ama nadiifinta marka ay musiibo dhacdo,” ayuu midi ku yiri bartiisa X.

Hadda, Koonfur Afrika waa dalka kaliya ee Afrikaan ah ee soo saara tamarta nukliyeerka ganacsi ahaan.

Wadamada kale ee Afrika ayaa bilaabay qorshayaal ay ku qaadanayaan tamarta nukliyeerka, oo ay ku jiraan Rwanda iyo Masar, oo hadda dhisaya warshad ku kacaysa $ 30bn oo doolar