1 min read

Safaaradda Soomaliya ee UK oo 30 sano kadib adeegyo u fidineysa bulshada Soomaliyeed.

In ka badan muddo 30 sano ka dib, safaaradda Soomaaliya ee magaalada London ayaa waxay billowday bixinta baasaboor Soomaaliga, fiisaha dal-ku-galka iyo dukumentiyada kale ee ay u baahanyihiin Soomalida ku nool waddanka UK iyo Ireland.

Waxaa sidookale baasaboorka dalban kara muwaadin kasta oo Soomaaliyeed balse heysta dhalashooyin kale. Waxaa sidookale dadkaas loo fidin doonaa adeegyo kale oo ballaaraan.