24 Apr, 2024
1 min read

Ingiriiska, Fransiiska iyo Jarmalka oo mar kale cunaqabateyn kusoo rogaya Iiraan

Ingiriiska, Fransiiska, iyo Jarmalka ayaa shaaciyay inay bisha dambe mar kale cunaqabateyn ku soo rogi doonaan Iran si dalkaasi looga hor tago inuu Ruushka ka iibiyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo. Cuna qabateynta ayaa dhaceysa bisha Oktoobar. Sanadkii 2025-kii, Iran waxay ogolaatay heshiis caalami ah oo loogu tala galay in lagu xaddido barnaamijkeeda nukliyeerka. […]

1 min read

Al-Shabaab oo qarxiyay deegaan uu ku suganyahay madaxweyne Qoorqoor iyo mas’uuliyiin kale.

Kooxda Al-Shabaab ayaa saaka weerar ka geystay deegaanka Laas-gacamay oo hoos taga magaalada Bacaadweyne, halkaas oo ay ku suganyihiin mas’uuliyiin oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la aaminsanyahay inuu isaga ahaa bartilmaameedka weerarka. Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Galmudug ayaa BBC-da u sheegay in gaari waxyaaba qarxa laga soo buuxiyay […]

1 min read

R/Wasaare Xamsa oo sheegay in xilli dhow Soomaaliya ay noqon doonto meel ka caagan argagixisada .

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku socoto jidkii horumarka iyo dib u soo kabashada, haatanna ay ummadda Soomaaliyeed go’aansadeen in ay iska dulqaadaan culeyska argagixisada Khawaarijta ah ee diidan nabadda iyo horumarka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad lagu soo bandhigaayey Filim ka hadlayey […]

1 min read

Ciidanka Qaranka oo fashiliyay qarax Khawaarijta ku soo weerartay deegaanka Laas-gacamay.

Ciidanka Qaranka ayaa fashiliyay Gaari lagu soo xiray waxyaabaha Qarxa oo khawaarijta saaka ay ku soo weerareen deegaanka Laas-gacamay oo hoos taga magaalada Bacaadweyne. Deegaanka Laas-gacamay waxaa joogay  mas’uuliyiin oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo halkaas u joogay dagaalka ka dhanka Khawaarijta. Laba ka mid ah askarta ciidanka Qaranka ayaa ku […]

1 min read

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee BFS oo kormeer dhiirigalin ah ku tagay furimaha dagaalka ee Galmudug.

Xildhibaano ka kala tirsan labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo guddoomiyaha gobolka Galgaduud ayaa furimaha dagaalka, gaar ahaan deegaanka Bulacle ugu tegay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira Khawaarijta. Xildhibaanada ayaa ciidamada geesiyaasha ku dhiirigeliyey dagaalka ay dalka kaga xoreynayaan Khawaarijta, waxayna furinta ugu geeyeen xoolo nool, iyagoo ka balan-qaaday […]

2 mins read

AFRICOM oo ka hadlay, hawlgal ay dad rayid ahi ku dhinteen oo ka dhacay Soomaaliya.

Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay inay kaalmo u fidiyeen hawlgal ay ciidamada dawladda Soomaaliya ku qaadeen xubno sarsare oo ka tirsan ururka al-Shabaab toddobaadkii hore, kaasoo sababay dhimashada shan qof oo rayid ah. Afhayeen u hadashay Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa sheegtay in ciidamada Maraykanku aanay la soconin ama ku wehelinayn […]

1 min read

Hay’ad Faransiis ah oo ku baaqday in suuqa laga saaro Iphone 12 ka dib markii laga helay shucaac badan.

Hay’ad dawladi ah oo Faransiis ah ayaa ku amartay shirkadda Apple inay suuqyada Faransiiska ka saarto ama kala baxdo telefoonada Iphone 12, iyaga oo ku eedeeyey in telefoonadaasi ay leeyihiin shucaac aad u sarreeya. Hay’adda Qaran ee la socoshada Hirarka ee dalka Faransiiska, oo qaabilsan inay isha ku hayso heerka shucaaca ee aaladaha ku shaqeeya […]

2 mins read

Nasashada Jimcaha. Q-374= Dowladu Badanaa ma aragto Tuugada Maalintii Xafiisyada Xaddo ee waxay aragtaa kuwa Habeenkii=

1. Madaxweynihii Hore ee Uganda Md. Ciidi Amiin Daada, ayaa yiri: waa jirtaa Xuriyadda Hadalku, laakin ma ballan qaadi karno Xuriyadaada Hadalka kadib “waxa kugu dhacayo” . ( F.S:1aad). ( Dadka isticmaalo Baraha Bulshada, Idaacadaha iyo TV. Ma ogyihiin Xuriyadda Hadalku in ay xadidan tahay oo waxaad Rabtana aadan Gudbi karin si loo dhowro, Dhaqanka, […]