2 mins read

Nasashada Jimcaha. Q-374= Dowladu Badanaa ma aragto Tuugada Maalintii Xafiisyada Xaddo ee waxay aragtaa kuwa Habeenkii=

1. Madaxweynihii Hore ee Uganda Md. Ciidi Amiin Daada, ayaa yiri: waa jirtaa Xuriyadda Hadalku, laakin ma ballan qaadi karno Xuriyadaada Hadalka kadib “waxa kugu dhacayo” . ( F.S:1aad).

( Dadka isticmaalo Baraha Bulshada, Idaacadaha iyo TV. Ma ogyihiin Xuriyadda Hadalku in ay xadidan tahay oo waxaad Rabtana aadan Gudbi karin si loo dhowro, Dhaqanka, Sirta Qaranka, Sharafta qofka, iyo Diinta.waa Caalamka oo dhan)

2. Ediri R. Idimi, ayaa yiri: waxaa jiray Wakhti Nageria, Dadku ay Qurbaha u dhoofi jireen, kadibna ay Dalka ku soo Noqon jireen iyaga oo Hanti leh, Guryo ayeyna ka dhisan jireen Dalka.

Hadda waxaan aragnaa Dadkii oo Guryahoodii iyo Hanti kale iibinayo si ay Qurbaha u aadaan. Waxaaba dhacdo in Lacag ay u diraan Dibadda si ay ugu biilaan Dad Dibadda joogo ama ay Nageria ka shaqeystaan lacagtana ay Qurbaha u diraan. ( F.S:2aad)

( Ar, Md. Ediri R. Idimi, ma Somaliya ayuu sheegaa, mise iyagaan ka soo koobinay. Maxaa u dhexeeyo Janaalayaashii Sucuudiga Aadi jiray iyo Qurba joogta maanta?)

3. Robert mugabe, ayaa yiri: Beenta aan idiin sheegayo Badankeeda waxaa i baray Macallinkii Isgoolka. Si loo horuumariyo Qoraalka iyo Luqadda, Macalinku Waxa uu i dhihi jiray Warqad u qor Adeerkaa oo Qurbaha jiro, isaga oo og in Adeerkeey uu Tuulada joogo.(F.S: 3aad)

( Horta Naagaha ka baraanburo kana heeso Aroosyada ee Amaanta kala dul dhaco Lamaanaha iyo Qabiiladooda yaa beenta Baray)

4. Sammy kash, oo xiganayo Robert mugabe ayaa yiri: Derisku waxa ay mar kasta i leeyihiin, waan arkeeynay Xalay Adiga oo Gabar la sii galayo Gyrigaaga. Lakin, weligood ma arakaan Tuuga Maalinta Cad Gurigaaga galay ee wax ka xaday. ( F.S:3aad)

( Deriskaagu waa ilaalo aan laguu dirin. Xataa Dowladu Badanaa ma aragto Tuugada Maalintii Xafiisyada Xaddo ee waxay aragtaa kuwa Habeenkii)

5. Nin ayaa Mara Kaneedacii caruurta hoosta ka galay, Caruurtiina Banaanka seexiyay, Kadib markii DNA uu ku ogaaday in uuna midkoodna dhalin. ( F.S:5aad)

( Dambiga u qeybi, Caruurta, Aabaha, Dhakhtarka iyo Hooyada. Seey u kala leeyihiin?)

6. Sommy kash, oo ku hal qabsano Robert Mugabe ayaa yiri: isaga oo ku noolaa deegaan Kaneeco badan… Xalay Kaneecada waxaan siiyay Cashar adag oo aynan weligeed Hilmaami dooni.
Waxaan Furay Dariishadda Qolkeyga si ay uga soo buuxsanto. Anna waxaan seexday Banaanka. Taa waxaa la yiraa, Jahawareerinta Cadawga.

( Sommy kash, Caqli badanaa ma Somaliyaa… Taa waxaa la mid ah Ciidamo shisheeye, AMISOM ayaan Dalbanay, si ay nooga ilaaliyaan Cadawga, waxaan ku Xareeyna Xalane, Aniguna waxaan u baxnay Banaanka. Taa waxaa la yiraa: Naaxinta Ciidamada Shisheeye)

Qore :Yahya Amir