1 min read

Ciidanka Qaranka oo fashiliyay qarax Khawaarijta ku soo weerartay deegaanka Laas-gacamay.

Ciidanka Qaranka ayaa fashiliyay Gaari lagu soo xiray waxyaabaha Qarxa oo khawaarijta saaka ay ku soo weerareen deegaanka Laas-gacamay oo hoos taga magaalada Bacaadweyne.

Deegaanka Laas-gacamay waxaa joogay  mas’uuliyiin oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo halkaas u joogay dagaalka ka dhanka Khawaarijta.

Laba ka mid ah askarta ciidanka Qaranka ayaa ku dhaawacmay intii lagu jiray howlgalka ka hortaga Gaarigaan ay cadowgu ku soo xireen Waxyaabaha Qarxa.