1 min read

Al-Shabaab oo qarxiyay deegaan uu ku suganyahay madaxweyne Qoorqoor iyo mas’uuliyiin kale.

Kooxda Al-Shabaab ayaa saaka weerar ka geystay deegaanka Laas-gacamay oo hoos taga magaalada Bacaadweyne, halkaas oo ay ku suganyihiin mas’uuliyiin oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la aaminsanyahay inuu isaga ahaa bartilmaameedka weerarka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Galmudug ayaa BBC-da u sheegay in gaari waxyaaba qarxa laga soo buuxiyay loo adeegsaday weerarka.

Qaraxaas waxaa uu sheegay inuu dhaawac culus ka soo gaaray sadex askari oo midkood uu markii dambe dhintay.

Warbaahinta dowladda ayaa ku soo waramaysa in la fashiliyay qaraxaas.