2 mins read

Maxaad ka taaanaa Halgamaa: Xaaji Faarax Cali Cumar?

1. Maxaan ka naqaan?. 2. Maxaan Anigu ka aqaan?. 3.Maxaad Adiguna ka taqaan Xaaji Faarax Cali Cumar AUN? .

1. Maxaan ka naqaan?

Xaaji Faarax Cali, waxaa uu dhashay Sanadkii 1907, waxa uu ku dhashay Magaaladda Jamaame, in kasta oo qoraalo aan badneyn ay leeyihiin Hobyo ayuu ku dhashay. Waxaa uu ku barbaaray Magaaladda Shalaanbood ee Gobalka Sh/Hoose oo Qoyskiisu ay muddo deganaayeen.
Markii Hooyadii Geeriyotay isaga oo yar, ayuu muddo gaaban Aaday deegaanka Mudug oo Waalidiintiis ay ka soo jeedeen, Kadibna, waxa uu u soo wareegay Magaalda Mogadisho si uu iskii ugu shaqeysto, waxa uu deeq waxbarasho ka helay Al-azhar Qaahira, waxaa uu Guursaday Marwo: Caasha Samatar, waxa ayna isku dhaleen 3 Gabdhood oo kaiya oo kala ahaa, Fadumo, Xalimo iyo Dahabo.
waxa uu ka mid ahaa Halgamayaashii Xisbigii Gobanima doonka ee SYL oo uu ku biiray Sanadkii 1944. Kadibna, SYL ayaa u wakiilatay maamulii AFIS ee Gobanimo gaarsiinta 1952-1956, si uu uga ilaaliyo Talyanigu in ay ku xadgudbaan Heshiiskii UN-tu u waliilatay Talyaaniga ee Xuriyad gaarsiinta.

Xuriyadda ka hor iyo Kadiba waxaa uu qabtay Xilal heer Qaran ah sida Xildhibaan Qaran oo laga soo doortay Magaaladda Marko, Wasiir, R/W xigeen 1955 iyo Xilaal kale.

2. Maxaan Aniguna ka aqaan ?.

Waxaan xasuustaa Wadada loogu magac daray Xaji farax ee Deg. Shibis ee dhinac marto Ex-Bar FIAT. Halkaa oo wax badan aan ku lugeeyay.

Waxaa kale oo aan ku xasuustaa, Waxa uu ahaa Qofkii 1960-kii, ka taagay Calanka Somalida Xarunta UN-ka ee New York City, waxaan dhageeystay Khudbadii uu ka akhriyay Xarunta UN-ka, maalintaa oo aan Xubin buuxdo ka noqonay Midowga Dowladdaha la aqoonsan yahay ee Caalamka. Isaga oo leh Calankaani waxa uu matalaa 5ta Somali. Calankaa oo la sameeyay 1954tii, Halkii ugu Horesay ee si rasmi ah looga taagayna ay aheyd Magaalada Hargeysa 26/ June/1960-kii.

Aniguna, Waxaan tagay dhowr iyo 40 Sano kadib, halkii uu Xaaji Faarax Calanka ka taagay, Calankaa oo aan Marna laga dajin halkii uu suray xatta Mudadii aan Dowlad la’aanta aheyn oo aynan jirin Cid UN-ta nagu mataleeysay. (F.S: 1-4aad)

3. Adiguna maxaad ka taqaan?????

FG: wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir