1 min read

Hay’ad Faransiis ah oo ku baaqday in suuqa laga saaro Iphone 12 ka dib markii laga helay shucaac badan.

Hay’ad dawladi ah oo Faransiis ah ayaa ku amartay shirkadda Apple inay suuqyada Faransiiska ka saarto ama kala baxdo telefoonada Iphone 12, iyaga oo ku eedeeyey in telefoonadaasi ay leeyihiin shucaac aad u sarreeya.

Hay’adda Qaran ee la socoshada Hirarka ee dalka Faransiiska, oo qaabilsan inay isha ku hayso heerka shucaaca ee aaladaha ku shaqeeya hirarka isgaadhsiinta, ayaa bayaan ay soo saartay ugu baaqday shirkadda Apple inay hirgeliso “dhammaan hababka ugu dhakhsaha badan ee ay ku xallin karto arrintan” taasoo khusaysa telefoon haatanba ay dadweynuhu isticmaalaan.

Hay’addan Faransiiska ayaa sheegtay inay dusha kala socon doonto, tallaabo kasta oo lagu saxayo khaladaadka lagu arkay telefoonka Apple 12, iyaga oo sheegay in haddii tallaabooyinka la qaado ay shaqayn waayaan, inay la gudboon tahay shirkadda Apple inay suuqa ka saarto telefoonkan.

Shirkadda Apple ayaa ku gacan saydhay eedaha loo jeediyey, iyo xogaha la soo bandhigay, waxayna ku tilmaameen in telefoonkooda gacantu uu waafaqsan yahay heerarka bedqabka shucaaca ee looga baahan yahay.

Hay’adda Faransiiska ah ayaa sheegtay inay baadhis ku sameeyeen illaa 141 telefoon o ay ku jiraan Iphone 12, si ay u ogaadaan heerka bedqabkooda.

Shirkadda Apple ayaa telefoonkan soo saartay sannadkii 2020, isaga oo ay shahaadada bedqabka siiyeen hay’ado kala duwan oo caalami ah oo caalamka oo dhan ah.

AP