1 min read

Ingiriiska, Fransiiska iyo Jarmalka oo mar kale cunaqabateyn kusoo rogaya Iiraan

Ingiriiska, Fransiiska, iyo Jarmalka ayaa shaaciyay inay bisha dambe mar kale cunaqabateyn ku soo rogi doonaan Iran si dalkaasi looga hor tago inuu Ruushka ka iibiyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo. Cuna qabateynta ayaa dhaceysa bisha Oktoobar.

Sanadkii 2025-kii, Iran waxay ogolaatay heshiis caalami ah oo loogu tala galay in lagu xaddido barnaamijkeeda nukliyeerka.

Sida ku cad shuruudaha, qaar kamid ah cunaqabateynta reer Galbeeka, ayaa lagu waday in laga qaado bisha Oktoobar ee sanadka soo socda.

Hasa yeeshee Ingiriiska, Fransiiska iyo Jarmalka oo ah saxiixayaashi heshiiskaasi Yurub, ayaa waxay aaminsanyihiin in Iran ay jebisay shuruudihii heshiiska, iyadoo tayeyneysa macdanta uranium-ka.

Inkastoo cunaqabateynta lagu soo rogay, hadana diyaarado badan aan duuliye lahayn oo lagu sameeyay Iran ayuu Ruushka u adeegsaday dagaalka Ukraine.