September 12, 2023
Qiimaha la siinayo iPhone 15ka cusub ee maanta la soo bandhigayo iyo waxa ku cusub.
Waxaa maanta lagu wadaa in shirkadda Apple ay soo bandhigto noocii ugu dambeeyay ee Iphone-ka. Muddo saacado ah ayaa ka haray soo bandhigidda iPhone 15, iPhone 15 plus, iPhone Pro iyo iPhone 15 Pro Max oo ah noocii ugu dambeeyay. Bisha September ee sanad kasta, shirkadda Apple ayaa soo saarta nooc cusub oo Iphone ah. […]
Ciyaaryahan Paul Pogba oo si ku meel gaar ah looga joojiyay cayaaraha
Ciyaaryahanka Khadka dhexe ugu dheela kooxda Juventus, Paul Pogba, ayaa si ku meel gaar ah looga joojiyay cayaaraha kadib markii baaritaan lagu sameeyay lagu ogaaday inuu sareeyo hoormoonkiisa testosterone oo caadi ahana ku badan ragga. Ururka xakameynta dawooyinka ee Talyaaniga ayaa sheegay, in Pogba la baaray kadib guul daradii 3-0 ay Juventus kala kulantay Udinese […]
Dowladda Marooko oo diidday caawimaadda dalal kamida Yurub.
Ururada Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas ayaa bilaabay codsi degdeg ah oo lagu taageerayo dhibanayaasha dhulgariirkii Jimcihii ka dhacay Morocco. Agaasimaha howlgallada (Caroline Holt) ayaa sheegtay in xiriirku uu doonayo in uu u ururiyo lacag ka badan boqol iyo toban milyan oo doolar si loo helo baahiyaha ugu daran sida biyaha, nadaafadda iyo hoyga. Ugu […]
Danjire Cawaale Cali Kullane oo ka qeyb galay madasha dhaqanka Shiinaha ee 2023.
Changsha :- Safiirka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kullane ayaa magaalada Changsha ee caasimadda gobolka Hunan uga qeyb galay madasha dhaqanka iyo dhexgalka Bulshada ee Dalka Shiinaha, isagoo munaasabaddaas ka jeediyay khudbad dheer oo taabaneyaa dhinacyada dhaqanka iyo sida loo horumarin karo. Munaasabadda ayaa ujeedadeedu ahayd sida loo horumarin karo isweydaarsiga dhaqanka iyo […]
Imtixaanka aqbalaadda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo billowday.
Muqdisho:- Raktar Xigeenka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Cabdullaahi Sh. Rashiid (Maki) ayaan maanta daah furay Imtixaanka Aqbalaadda oo ka dhacay xarumaha Jaamacadda ee Banaadir, Galmudug iyo Puntland. Imtixaanka oo ay u fariisatay 3731 arday ayaa loogu tala galay in lagu ogaado heerka aqooneed ee ardayda iyadoo ardayda kusoo baxda xaq u yeelan doonaan gelitaanka […]
Duqa Muqdisho oo qaabbilay Safiirka Talyaaniga u joogo Soomaaliya.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay safiirka jamguuriyada Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mr. Alberto Vecchi, iyada oo kulankan ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka Gobolka Banaadir iyo taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka Boliiska Soomaaliyeed. […]
Qarax lala eegtay kolonyo Ciidamada Kenya oo howlgalo ka waday gobolka W/Bari.
Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu Aaso ayaa waxaa lala beegsaday Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Kenya ee ka howlgalla Gobolka Waqooyi Bari, kuwaas oo marayay duleedka Magaalada Lamu waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa ayaa warraka la helay waxaa ay sheegayaan in uu haleelay mid kamid ah gaadiidka […]
laamaha Amaanka Muqdisho oo qabtay Xubno katirsan Al-Shabaab oo ka yimid furimaha dagaalka.
Maamaulka gobolka Baanadir ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ka soo cararay furimaha dagaalka kuwaasi oo doonaayay inay falal amini daro ka geystaan Magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha degmada Wartanabada Seynab Xaabsey ayaa tilmaamtay in dagmada Wartanabada ay ka bilaabeen howlgallo roonto da ah oo ay ku marayaan xafadaha dagmada waxa ay […]
Ciidamada dowladda iyo degaanka oo kaabiga ku haya degmada Wabxo
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa degaanka ayaa waxaa ay hadda kaabiga waxaa ay ku hayaan degmada Wabxo ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku sugan yihiin Xubno katirsan Al-Shabaab. Ciidamada Guutada Cali Bin Abii Daalib ee uu hoggaamiyo Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik iyo kuwo degaanka oo maalmihii la soo dhaafay kusii siqayay degmada […]
Al-Shabaab oo madaafiic ku weeraray deegaanka Ceel-Lahelay.
CEEL-LAHELAY — Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa xalay tiro madaafiic ah ku weeraray deegaanka Ceel-Lahelay ee gobalka Galgaduud, oo ay dhowaan qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug. Saraakiil ka tirsan ciidamada, oo ku sugan Ceel-Lahelay, ayaa VOA u sheegay in wax khasaare ah aysan gaysan madaafiicdii xalay ay Al-Shabaab kusoo rideen deegaanka. Kooxda Al-Shabaab, oo sheegatay weerarkan, […]