laamaha Amaanka Muqdisho oo qabtay Xubno katirsan Al-Shabaab oo ka yimid furimaha dagaalka.
Maamaulka gobolka Baanadir ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ka soo cararay furimaha dagaalka kuwaasi oo doonaayay inay falal amini daro ka geystaan Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha degmada Wartanabada Seynab Xaabsey ayaa tilmaamtay in dagmada Wartanabada ay ka bilaabeen howlgallo roonto da ah oo ay ku marayaan xafadaha dagmada waxa ay sheegtay in ay howlgalladaasi ku soo qabqabteen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo si dhuumaalaysi ah uso galay Wartanabadda.
Sidoo kale waxaa ay sheegtay in ay sidoo kale ku raad joogaan Xubno kale oo katirsan Al-Shabaab, kuwaas oo laamaha Amniga xog ku heleen inay soo galeen magaalada, iyada oo Shacabka ugu baaqday inay la Shaqeeyaan laamaha Amniga Soomaaliya.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalmahaan waday howlgallo iyo kormeer ay masuuliyiinta maamulka ku marayeen qeybaha kala duwan ee dagmooyinka gobolka Banaadir